C/raxmaan Tuuryare oo Amar cusub soo rogay

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Tuuryare, ayaa sheegay in ciidamada nabad sugida ay sameyn doonaan baaritaano ka dhan ah dadka amni darada ka geysanaya magaalada Muqdisho.

Wuxuu amar ku bixiyay in baaritaan lagu sameeyo dhamaan gaadiidka soo gala kana baxa magaalada Muqdisho si loo xaqiijiyo amaanka magaalada Muqdisho, sida uu taliyaha shaaciyay.

Taliyaha wuxuu sidoo kale sheegay in gaadiidka soo gala kana baxa magaalada Muqdisho ay noqon doonaan kuwo laga warqabo, lana baari doono gaadiidka khudaarta soo geliyo magaalada Muqdisho.

“Magaalada nadiifin ayaa ka socoto, baabuur kasta oo magaalada soo gala waa la baarayaa, gaadiidka qudaarta sida waa la baarayaa, gaari dameerada soo gasha magaalada waa la baarayaa, waana in gadiid kastaa la ogaadaa”ayuu yiri.

Sidoo kale taliyaha amray in baaritaan lagu sameeyo dhamaan dhalinyarada soo galeyso magaalada Muqdisho, iyo dhamaan dadka ka yar da’da 40-ka sano.

Dhawaan ayay aheyd markii wasaarada amniga xukuumada ay soo saartay amar ku aadanaa in baaritaan lagu sameeyo lana ogaado dhamaan gaadiidka yar yare e soo galaya magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com