Xog: Wasiirka amniga DF oo lagu dheggan yahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka DF Somalia ayaa ku dhagan Wasiirka amniga Qaranka Somalia kadib weerarkii lagu qaaday Hoteel Saxafi ee magaalada Muqdisho.

Gudiga amniga BF ayaa weerarkaasi su’aalo ka weydiinaaya Wasiirka amniga, waxa ayna ku eedeeynayaan inuu dayacay amaanka guud ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan kan goobaha ay ku caweeyaan madaxda Qaranka iyo Bulshada rayidka.

Xildhibaano ka tirsan gudiga ayaa warbaahinta u sheegay inay wasaarada amniga su’aalo ka weydiin doonaan sidii uu u dhacay weerarka Hoteelka xili wasiirka uu maalmo ka hor weerarkaasi sheegay in amaanka Muqdisho uu yahay mid leysu haleynkaro.

Daahir Amiin Jeesow oo ah Gudoomiye ku-xigeenka gudiga arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Baarlamanka Federaalka, ayaa sheegay in wax waliba oo ka dhaca magaalada Muqdisho ay kula xisaabtami doonaan Wasiirka amniga.

Daahir Amiin Jeesow waxa uu sheegay in gudiga uu u taagan yahay la xisaabtanka Hay’adaha amaanka waxa uuna tilmaamay inaysan u dulqaadan doonin in Hay’adaha amaanka ay dayacaan Howlaha loo igmaday.
Dhanka kale, weerarka Hoteel Saxafi ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 10 ruux, halka 30 kalane ay ku dhaawacmeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com