“Waxaan sameysanayaa maleeshiyaadkii aan ka xishoon jiray marki hore” Sidaasi waxaa yiri…

Garowe(Caasimada Online) – Xildhibaan hore Daahir C/qaadir Muuse “Ciiro”, oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ku xirnaa xabsi ku yaala magaalada Garowe, ayaa laga sii daayay xabsiga magaalada, sida uu xaqiijiyay Daahir Ciiro oo warbaahinta la hadlay.

Daahir Ciiro, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu u xirnaa labadii maalin ee lasoo dhaafay madaxweynaha maamulka Puntland, maadaama amarka isaga lagu xiray uu bixiyay C/welli Gaas, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan Hore Daahir C.qaadir Muuse ayaa si cad ugu hanjabay inuu sameysanayo maleeshiyaaad hubeysan, maadaama markii hore uu ka xishoon jiiray, balse uu iminka ku qasbanaaday, sida uu hadalka u dhigay.

Siyaasigu wuxuu bartiisa facebooga kusoo qoray ereyo uu ku durayo gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Farawayne iyo taliyaha qeybta booliska gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Qaanqaan, Wuxuuna ku tilmaamay inay yihiin caada qaatayaal iyo dambiilayaal la adeegsanayo waa sida uu hadalka u dhigay siyaasigu.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii xabsiga la dhigay Daahir Ciiro , kadib markii uu eedeyn u jeediyay maamulka C/welli Maxamed Cali Gaas, isagoo dalbaday inuu iscasilo madaxweyne Gaas.

Sidoo kale Daahir Ciiro, ayaa ku hanjabay inuu sii wadayo eedeymaha iyo dhaliilaha uu u jeedinayo maamulka Gaas, haddii uu arkaa maadaama shacabka ay ka qarsoon yihiin wax badan.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com