Maxaas (Caasimada Online) – Taliye Xasan Faarax Guuleed oo kamid ah saraakiisha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee haatan howlgallada ka wada gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ayaa ka bad-baaday isku day dil oo ay la damacsaneyd kooxda Al-Shabaab.
Taliyaha ayaa la qarxiyay xilli uu ku sugnaa deegaanka Ceelgorof oo u dhow degmada Baxda ee gobolka Galgaduud, waxaana qaraxa uu haleelay gariigiisa, balse waa uu ka badbaaday.
Taliye Xasan Faarax Guuleed oo wareysi siiyay Shabelle Tv ayaa sheegay in gabi ahaan uu burburay gaarigiisa, balse isaga iyo askartii la socotay aysan waxyeelo ku gaarin.
“Aniga wax isoo gaaray ma jiraan Alle dilo ayaa dhinto qaraxa way i dhigeen gaariga waa la kacay, ilaaheyna waa iga badbaadiyay marka been waayay waxa ay sheegayaan” ayuu yiri Taliye Xasan Faarax Guuleed.
Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Gaariga waa baaba’ay waxay ogaanaayaan in iyagu aysan wax dili karin, gaariga illaa 7 qofood ayaa saarneyd hal qof oo uu dhaawac ku gaaray ma jirto dabeyl ayaa ilaahey nooga dhigay” ayuu mar kale yiri taliyuhu.
Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in ay sii wadi doonaan howlgalka, ujeedkana uu yahay in Al-Shabaab laga saaro dhulkaasi, si looga dulqaado dhibaatada ay ku hayaan shacabka.
Qaraxa oo uu ka badbaaday taliyaha ayaa dhacay, xilli ciidamada dowlada iyo kuwa deegaanka ay howlgal culus ku qaadeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanayay deegaanka Ceelgorof, halkaas oo khasaare lagu gaarsiiyay argagixisada.
Qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka uu weli socdo, isla markaana jab culus lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab.
“Howlgal culus oo ka dhan ah Khawaarijta ayaa xiligaan ka socda deegaanka Ceelgorof ee gobolka Galgaduud, halkaas oo lagu beegsaday dhagarqabayaal ka tirsan Khawaarijta oo ku dhuumaaleysanayey aaggaas. Howlgalkaan ayaa khasaare culus lagu gaarsiiyey cadowga, iyadoo la burburiyey gaadiidkii ay wateen iyo goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya.
Si kastaba, howlgalladan ayaa kusoo aadaya, xilli maalmihii lasoo dhaafay ay abaabullo culus ka socdeen deegaannada Galmudug iyo HirShabelle, kuwaas oo ka dhan ah Shabaab.

