Taliye sare oo xabsiga loo dhigay qaraxii Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Saldhiga Degmada Xamar weyne Siciid Cumar, ayaa la sheegayaa in xabsiga la dhigay kadib markii shalay qarax uu ka dhacay Degmada Xamar weyne, qaraxaasi oo ahaa gaari la dhigay Irida Xarunta Ganacsiga Muqdisho Mall.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Somaliya ayaa xaqiijiyay in la xiray Siciid, kadib markii su’aalo badan la iska waydiiyay sida suuragal ay ku noqotay goobtaasi in qarax gaari la dhigo.

Goobta gaariga uu ku qarxay ayaa ah xayndaab wada xiran oo baabuurta galaysa ay yihiin kuwa aad loo hubiyay, shaqsiyaadka watana ay yihiin kuwa aqoonsi leh.

Sarkaalka la xiray Siciid Cumar oo ah Gaashaanle dhexe oo ka tirsan Ciidamada Booliska Somaliya ayaa amarka xarigiisa uu soo baxay xalay, sidaasina lagu xiray.

Qaraxii shalay waxaa ku dhintay in ka badan 15 ruux oo shacab & Saraakiil dowladeed isugu jira, kuwaasi oo ku sugnaa nawaaxiga Xarunta Muqdisho Mall oo ku dhagan dhismaha way nee Dowladda hoose Muqdisho ay ku shaqeyso.

Goobta gaarigaasi uu ku qarxay waxaa soo gasha saddex wado, laba wado waxaa jooga Ciidamada Booliska dowladda Federalka Somaliya halka wadada kalena ay joogaan Ciidan gaar ah oo ilaaliya xarunta Muqdisho Mall, balse illaa hadda lama oga wadada uu ka gudbay gaarigaasi miinaysnaa ee maatida shacabka lagu laayay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com