Taliye Xijaar oo dalbaday in dib loo dhigo doorashada guddoonka golaha shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Xijaar ayaa soo jeediyey in dib loo dhigi doorashada guddoonka Golaha Shacabka ee Arbacada maanta ah, sababi amni dartood.

Taliye Xijaar oo la rumeysan yahay inuu ku xiran yahay Villa Somalia ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku yiri “Ma damaanad qaadi karno amniga doorashada berri dhacaysa, waxaan soo jeedinaynaa in dib loo dhigo doorasahadaasi, sabab amni darteed.”

Taliye Xijaar ayaa sheegay in nidaamkii amniga teendhada Afisyoone oo ahyed in lagu soo wareejiyo laba maalmood kahor si ay u xaqiijiyaan amniga doorashada, taasi oo sida uu sheegay aan dhicin.  

Taliye Xijaar ayaa sheegay in dib u dhacan ay mas’uul ka yihiin guddoomiyaha ku-meel gaarka ah ee Golaha Shacabka iyo kooxda la shaqeyneysa, waxaana arrimaha jira uu sheegay inay ka mid yihiin inaan loo soo gudbin liiska xildhibaanada iyo marti-sharafta kale ee ka qeyb-galeysa doorashada.

Xijaar ayaa sidoo kale sheegay in codsigooda ku aadan dib u dhigista ay qeyb ka tahay in la xaliyo khilaafka ka taagan xildhibaanada ka qeyb-galaya codeynta, oo uu ula jeedo muranka xildhibaanada lagu soo doortay Ceelwaaq iyo xubnaha ka yimid dhanka Garbahaarey ee sheegay inay xildhibaano yihiin. 

Waxa uu intaas ku daray in ATMIS ay la shaqeeyaan booliska Soomaaliyeed, ayna ku wargeliyaan arrintan, ayna ogyihiin in xaaladda amniga ee haatan aysan suurta-gelineyn inay doorasho dhacdo. 

Taliye Xijaar ayaa ugu dambeyn sheegay in arrintan ay tahay soo jeedin kaliya, islamarkaana go’aanka qabashada iyo dib u dhigista doorashada ay leeyihiin guddoomiyaha ku-meel gaarka ah ee Golaha Shacabka iyo guddiga doorashada golaha shacabka.

Hadalka kasoo yeeray Xijaar ayaa imanaya ayada oo horey loogu jeediyey eedeymo la xiriira inuu Villa Somalia kala shaqeynayo carqaladeynta doorashada guddoonka, taasi oo uu ku beeniyey qoraal uu horey usoo saaray.