Wasiirka Amniga oo shaqada ka joojiyey taliyaha booliska

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa shaqada ka joojiyey taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Xijaar, oo uu ku eedeeyey inuu wado falal amni-darro oo halis ah.

Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu go’aankan qaatay kadib markii uu garowsaday khatarta iyo xasilooni-darada dalku ku sugan yahay ee abuurtay hubanti la’aanta dhamaystirka doorashooyinka oo uu sabab u yahay Taliyaha Boliiska Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in Taliyaha Ciidanka Boolisku uu si bareer ah iskugu dayay in uu u hor-istaago doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ee loo balansan yahay maanta oo ah 27/4/2022, islamarkaana uu si bareer ah ugu milmay arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka dalka asaga oo u adeegaya dano gaar ah.  

Wasiirka ayaa intaas ku daray inuu helay xogo muujinaya in uu taliyuhu ku howlan yahay falal khatar ku ah badqabka qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka iyo ma’suuliyiin sarsare oo xilal muhiim ah ka haya dalka.

Isaga oo eegaya arrimahaas oo dhan ayuu yiri wasiirka “Waxaa shaqo joojin lagu sameeyay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 27 April 2022.”

Wasiirka ayaa sheegay in si KMG ah hogaanka Ciidanka Booliska usii wadayo Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa faray saraakiisha ciidamada Booliska iyo Nabad-Sugidda in ay ka fogaadaan kumilanka siyaasada gaar ahaan arimaha doorashooyinka una gutaan waajibaadkooda si dastuuri 

Wasiirka Amniga ayaa ku wargeliyey Guddoonka KMG ah ee Golaha Shacabka iyo xildhabaanada sharafta leh in ay u madaxbanaan yihiin goorta, Goobta qabashada doorashada Guddoonka Golaha.

Tallaabada uu qaaday wasiirka ayaa timid kadib markii aliyaha booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Xijaar ayaa soo jeediyey in dib loo dhigi doorashada guddoonka Golaha Shacabka ee Arbacada, sababi amni dartood.

Taliye Xijaar oo la rumeysan yahay inuu ku xiran yahay Villa Somalia ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku yiri “Ma damaanad qaadi karno amniga doorashada berri dhacaysa, waxaan soo jeedinaynaa in dib loo dhigo doorasahadaasi, sabab amni darteed.”