Tallaabada xigta ee DF la gudboon kadib dagaalka dhaqaale ee Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa la fahamsan yahay inay jiraan caruur badan oo aan qaangaadhin oo ay kooxda Al-Shabaab weli u diyaarineyso inay dagaal-yahano ka dhigto ama qaraxyo ku rakibto.

Sidoo kale dhalinyaro fikirka kooxda sida ay u haysteen iyo waxa meesha ugu tageen kala duwan yihiin iyo qaar daruufta looga faa’iideystay oo mushaar doon ahaa ayaa la sheegaya in weli kooxda xoog ku haysato.

Deegaanka Caad oo u dhow degmada Xarardheere oo kamid ah goobaha dhawaan lagu jabiyay Al-Shabaab, laba dhalinyaro ah oo naftooda baxsad la ah oo ka yimid Al-Shabaab ayaa isku dhiibay ciidanka dowladda.

Cabdifataax Cabdullaahi Sheekh iyo Cabdifataax Aadan Cabdikariin uma muuqaal eeka inay buuxiyeen da’da labaatanka sano.

Al-Shabaab waxay kaga biireen HirShabelle laakiin ugu dambeyn waxay go’aansadeen in umadooda kusoo dhex noqdaan.

Waxay dalbadeen in la cafiyo, lagana caawiyo inay noloshooda sii wataan maadama sida ay sheegeen ay nolosha rejo badan ka leeyihiin.

Sida labadaan wiil kuwo badan ayaa ku go’doonsan dhanka Al-Shabaab, kuwaasi oo laga jaray la-macaamilka bulshada, xiriirka ehelka, inay maqlaan dhawaq ka duwan dil iyo qarxin ama ay fahmaan waxa ka socda adduunka iyo in ay jirto fursad kale oo tan ka duwan.

Waxay dhalinyaradaas u bahaan yihiin badbaado.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxaa laga raba inay sameyso shabakad caawisa dhalinyarada rabta inay umadooda dib ugu soo dhex laabtaan, oo ay fikirkaasi qaldan ka tanaasulaan.

Shabakad awooda in iyadu xiriirka abuurto, leh xarumo lala xiriiri karo iyo dad u tababaran soo dhaweyn, hubin iyo dib u habeynta nolosha dhalinyaradaas oo ay dowladda leedahay ayaa muhiim ah waqtigaan.