Tarsan oo runta u sheegay ina Cabdi Iley iyo DF SOMALIA oo ka aamusan xasuuqa ciidamadiisa

Cadaado (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga, wuxu si kulul kaga hadlay xasuuqa ciidamada Liyuu boolis ka wadaan gobolka Galgaduud.

Wuxuu ugu baaqay dowlada Ethiopia ugu baaqay iney soo dhex gashaa dagaalada ka soconaya xuduuda Ethiopia la wadaagto Galgaduud oo dad badan oo rayid ah lagu dilay.

“Dowladda Ethiopia waa in soo dhexgashaa dagaalka ka socda inta u dhaxeysa Ethiopia iyo Somaaliya. Dagaalkaas oo lagu kumaadey dad xoolo dhaqato ah, waxaana dagaalka horseed ka ah waxa loogu yeero Liyuu Police.”ayuu Tarsan sheegay.

Gudoomiye Tarsan ayaa qoraalkiisa sidoo kale ku sheegay in waxa ka dhacayo Galgaduud ay yihiin xasuuq ay geysanayan ciidamada Liyuu Boolis, uuna ka jawaabi doono madaxweynaha dowlada deegaanka Soomaalida Ethiopia.

“Ina Abdi Iley ayaa masuuliyadaas qaadahaya. Waxa ka socda meeshaas waxa keliya ee lagu tilmaamikaro waa Genocide. Dowladda Somalia waa in ay u yeerto safiirka Ethiopia u fadhiya Somaaliya oo kala hadashaa xalada dagaalka” ayuu Tarsan ku daabacay Bartiisa Facebook-ga.

Ugu dambeyn wuxuu cambaareyn u jeediyay dowlada Soomaaliya oo wali aanan ka hadlin dagaalada ka dhacaya dhanka xuduuda Soomaaliya iyo Ethiopia ee dhanka Galgaduud.

“Waxaan Dowladda Somaaliyeed ku canbareyni aamusnaanta ay ka aamusantahay gumaadka ka Socda inta u dhaxaysa xuduudka Somaaliya iyo Ethiopia oo lagu kumaadahayo dad masaakin ah oo xoolo dhaqato ah. Masuuliyada kumaadkaad waxaan dusha u dhigani Ina Abdi Iley. Maalin ayuu ka jawaabidoonaa Maxkamada Caalamiga xasuuqa ka soda dhulkaas”.ayuu Tarsan yiri.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com