Puntland-ta dhabta ah iyo midda khiyaaliga ah + G/Dhexe iyo H/Gidir iyo diidmada Dhulbahante !!!

Maamul Goboleedka Puntland waxaa aasaasay 1998 wuxuuna ka koobnaa Gobollada Sool, Sanaag, Nugaal, Bari, Waqooyiga Mudug iyo Buuhoodle, waxaana ujeedada dhismaheedu ahaa in dadka degaamadaas ku dhaqani danahood ku ilaashadaan si ay uga nabadgalaan burburka Soomaaliya ku habsaday.

Nasiib daro mudo aan sanado gaarin ayaa waxaa isbedeshay ujeedadii loo dhistay Puntland iyo Xuduudkii Puntland, waxaana sameysmay labo Puntland oo midna dhabtay mid khayaali tahay oo dastuurka Puntland loogu yeero.

Puntlandta dhabta ahi waxay noqotay degaamada iyo dadka Majeerteen, halka degaamadda SSC ay noqdeen wax waraaqo ku qoran oo markii muraad laga leeyahay afka laga sheegto, horumarka laga horjoogsaday, inay tashadaan lagala dagaalamay, markii Somaliland ku soo duushayna la yiraahdo DHULBAHANTAA KALA QAYBSAN, ORDA IDINKU ISKA DIFAACA, BEESHA CAALAMKA AYAA INAGA SOO HORJEEDA IYO ANAGAA JAC MAAGANE NA SUGA. Si kastaba hayska ahaatee Beesha Dhulbahante waxay ku dhexdhacday dabin loogu ciilqabay diidistii ay diideen inay ka qaybqaataan burburkii Soomaaliyeed iyo ku biiristii SSDF.

puntland qiyaali

 

MAAMULKA GOBOLADDA DHEXE IYO HABARGIDIR:

Sameysanka Maamulka Goboladda Dhexe waa talaabo muhiim u ah soo noqoshada Soomaaliya, gaar ahaana waxay faaiido weyn u noqonaysaa Ummadda Khaatumo oo ay hareereeyeen oo dagaal culus kula jiraan labo maamul (Somaliland iyo Puntland) oo aan midkoodna ogolayn in wax lala yeesho, hadana diidan inay nabadgeliyaan si ay u tashadaan.

Beesha Habargidirna waxay si toos ah u garab siisaa shacabka Khaatumo gaar ahaan marka ay cidhiidh geliyaan Maamuladda dhinacyadu, iyadoo ogolaansho kal iyo laab ah u siisay inay degaamadooda si walaaltinimo ah u mari karaan iyo hiilka afka.

QAADACAADA BEESHA DHULBAHANTE KU DIIDAY SHIRKA GAALKACYO:

Beesha Dhulbahante waxay si toos ah u qaadacday ka qaybgalka shirka gaalkacyo kadib markay fiiriyeen dhowr arimood sida:

Inay ka abaalceliyaan taageerada walaalnimo ee ay siiso beesha Habargidir.

Iyagoo fiirinaya muhiimadda ay ummadda Soomaaliyeed u leedahay maamul ka sameysma Goboladda Dhexe, sidoo kale markay ogaadeen danaha qarsoon ee Beesha Majeerteen ka leedahay Shir ku qabashada Gaalkacyo iyo hagardaamooyinka ay keeni karto.

Iyagoo ka fogaanaya waxkasta oo dib u soo noolayn kara colaadihii laga soo gudbay ama hakadgelin kara geedi socodka nabad ku soo laabashada geyiga Soomaaliyeed.

Shacabka Khaatumo waxay cadeeyeen oo dhowr jeer ku celceliyeen:

In aanay qayb ka ahayn shirka Gaalkacayo ee loogu yeeray shirka wadatashiga beelaha Puntland.

In Khilaafka Gobolka Mudug uu yahay mid u dhaxeeya beelaha walaalaha ah ee wada dega ee majeerteen iyo Habargidir.

In cidkasta oo Shirka ku tagtaa magaca Dhulbahante aanay ma telin ee ay yihiin shaqaale iyo calooshooda u shaqeyste yaal.

W/Q: Maxamed OW

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid