Sawirro: Shirka Cadaado iyo maanta iyo R/W CC

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa galabta Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ka furmay wejiga 2-aad ee Shirka Maamul U Samaynta Gobolada Dhexe, iyadoo ay ka qaybgaleen Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Somaliya.

Shirkan, ayaa waxaa lagu wadaa in lagu soo doorto Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe, xilli ay wax soo dooranayan 350 ergo, kuwaa oo la tilmaamay in laga soo kala xulay dadka deegaanka.

Ra’iisal Wasaaaha Somaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo maanta gaaray Magaalada Cadaado, ayaa wuxuu ka furay wejiga labaad shirka, isagoona khudbad u jeediyay dadka deegaanka.

“Maanta waxaa farxad ii ah inaan furo wejigii labaad ee Shirka Maamul U Samaynta Gobolada Dhexe, wuxuuna shirkan qayb ka yahay dadaalada Xukuumaddu ay ku xaqiijinayso higsiga 2016, oo dalka looga dhisayo maamulada.” Ayuu yiri Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.

“Wejiga labaad ee shirka waxaa lagu ansixinayaa axdiga KMG ah, oo uu yeelanayo Maamulka looga dhawaaqayo madashan.” Sidaasi waxaa yiri Ra’iisal Wasaaaha Somaliya.

Ra’iisal Wasaaruhu wuxuu Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Guddiga Farsamadu, uu amray inay iska kaashadaan, sidii loo qancin lahaa dadka saluugsan Maamul U Samaynta Gobolada Dhexe.

“Waxaana uga baaqayaa Wasaarada Arrimaha Gudaha & Federaalka iyo Gudiga Farsamadu inay iska kaashaadaan, sidii loo qancin lahaa dadka qaba tabashooyinka.” Ayuu sii raaciyay Sharmaarke.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
unu1

unu2

unu3

unu4

unu5

unu6

unu7

unu8