Thabit Cabdi oo Muqdisho ku daah-furay xarunta dhexe ee Xisbiga Awooda Shacabka

Mogadishu (Caasimadda Online) – Hoggaamiyaha Xisbiga Awoodda Shacabka Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa maanta oo khamiis ah taariikhduna ay ku beegan tahay 16-1-2020 si rasmi ah u daah-furay xarunta Dhexe ee Xisbiga Awoodda Shacabka (PPP) oo si casri ah loo qalabeeyay.

Ka dib furitaanka Xarunta,Hoggaamiyaha Xisbiga Awoodda Shacabka Mudane Cabdi Maxamed oo shir jiraa’id ku qabtay gudaha Xarunta Dhexe ayaa si kooban wuxuu Bulshada Soomaaliyeed ula wadaagay argtida, ujeedka iyo himiladda Xisbiga Awoodda Shacabka.

“Xisbiga Awoodda Shacabka wuxuu rumeeysan yahay in ay muhiim tahay in aan wax ka badalno hab-fakarka dhammaanteen na ragaadiyay, nana baday ficiltanka qaldan iyo wax wada qabsi la’aanta, ee ah; “Facaa iska celi.” Kuna badalno fikirka ah “Facaaga wax laqabso” iyada oo laga dhaqan galinayo maamulka dowladeed iyo macaamilka bulshada dhexdeed, si aan kala duwaanshaha aragtida siyaasadda, fakerka iyo deggaankaba aysan inaga hor-istaagin in aan ka wada shaqeyno danteena guud, jiilka soo korayana aan ku beerno habfakar ku saleysan in wada shaqeyn uu wanaag iyo horumar ku gaari karo,” ayuu yiri Hoggaamiye Thaabit Cabdi Maxamed.

Xisbiga Awoodda Shacabka himilooyinka uu hiigsanayo oo kooban waxaa ka mid ah:

1. Ilaalinta jiritaanka iyo madaxbanaanida Qaranka Soomaaliyeed.

2. Nabad iyo xasilooni ku soo dabaalidda dalkeena iyada oo loomarayo siyaasad ku dhisan wada shaqeyn qaran, gobol iyo caalamba.

3. U horseedid dalkeena, bulsho, siyaasad, iyo dhaqaale furan oo uu saldhig u yahay dul-qaad. nabad ku wada-noolaashiyo iyo wax wadaqabsi qaran iyo caalaamba.

Intaa kadib, Mudane Thaabit Cabdi ayaa ka hadlay xaaladda kala guurka ah ee dalka uu ku jiro iyo halka uu u jiheeysanayo dalkeena ugu jiro dib u soo kabashada iyo ku soo dabaalidda dowladnimo loo dhanyahay oo dhammeystiran.

Arrimaha doorashada 2020/2021.
Xisbiga Awoodda Shacabka aragti ahaan waxuu qabaa in ay muhiim tahay in dalka ay kadhacdo doorasho sharciga waafaqsan, shacabku cod yeesho, kuna saleysan nidaamka xisbiyada badan, waqtigeedana ay ku dhacdo sida ku qeexan dastuurka dalka.

Sidoo kale, Hoggaamiyaha Xisbiga Awoodda Shacabka ayaa sheegay inuusan Xisbiga Awoodda Shacabka u taagneyn danta qof, koox iyo deggaan gaar ah balse waa mid u taagan hirgalinta aragti cusub oo aan wax uga badalno wacyiga iyo waaqica dadkeena iyo dalkeenu ku hareereysan.

“Waxaan mar labaad iyo mar 3aad leeyahay Xisbiga Awooda shacabka ma aha mid u taagan danta qof, koox iyo deggaan gaar ah balse waa mid u taagan hirgalinta aragti cusub oo aan wax uga badalno wacyiga iyo waaqica dadkeena iyo dalkeenu ku hareereysan, xalna aan ugu heli karno cabsida iyo rajo xummadda ka dhalatay nabad galyo darada iyo daruufaha nololleed ee ummaddeena daashaday”. Ayuu yiri Thaabit Cabdi Maxamed.

Ugu dambeyntii, Hogagamiyaha Xisbiga Awoodda Shacabka Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa tacsi u diray Ehalada dadkii waxyeelada ka soo gaaray Qaraxii 28-kii bishii December ee sanadkii tagay 2019 ka dhacay Ex-control Afgooye ee magaalada Muqdisho,kaas oo khasaaro xoog leh oo inta badan dad rayid ah soo gaaray sababay.