Tirada dhimashada daadadka Liibiya oo gaartay 11,300

Derna (Caasimada Online) – Ugu yaraan 11,300 oo qof ayaa ku dhintay 10,100 kalena waa lagu la’yahay magaalo xeebeedka Derna toddobaad kadib markii duufaanta Daniel ay ku dhufatay waqooyi bari Liibiya.

Sida uu sheegay xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay, qiyaastii 170 qof ayaa ku dhintay daadad ku dhuftay gobollada kale ee dalka in ka badan 40,000 oo qofna waa ay ku barakaceen.

Tirada ayaa la filayaa in ay kor u kacdo, sida lagu yiri warbixinta Qaramada Midoobay, iyada oo soo xiganeysa xogtii ugu dambeysay ee hay’adda Socdaalka Adduunka.

Qaramada Midoobay ayaa intaas raacisay in inta ugu badan ee dadkan barakacay ay ku noolaayeen magaalada Derna oo ay daadadku khasaare xooggan u geysteen.

Sidoo kale waxaa weli socda dadaallada baadi-goobka iyo samata-bbixinta dadka ka badbaaday daadadka ku dhuftay dalka Liibiya.

Dadka la la’yahay ayaa loo malaynayaa in daadadku ay qaadeen oo ay ku dareen badda Mediterraneanka ama ay ku jiraan qashinka iyo ciidda hoostooda, sida ay sheegeen masuuliyiinta Liibiya.

Si kastaba, Xaaladda ayaa kasii dartay kadib markii laba biyo xidheen oo u dhowaa magaalada Derna ay fataheen, waxaana walaac laga muujinayaa in khasaaraha uu intaan aad uga badan yahay.