Tirada iyo magacyada Soomaalida ku geeriyootay Ethiopian Airlines oo la shaaciyey

Adis Ababa (Caasimadda Online) – Waxaa sii kordhaya tiradda dadka Soomaaliyeed ee ku dhintay Shilkii diyaaradda  Ethiopian Airlines ee maanta ka dhacay dalka Itoobiya.

Qaar ka mid ah Eheladda dadkii Soomaalida ahaa ee diyaaradda Saarnaa ayaa xaqiijiyay Geeridda shan qof oo Soomaali ah, kuwaasoo heystay Baasabooradda dalalka Canada iyo Mareykanka.

Cabdishakuur Maxamed Shahaad, oo labadii sano ee lasoo dhaafaya ka tirsanaa xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale ku jiray dadka naftooda Ku waayay shilka.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo fariin soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuumka.

Shahaad oo kamid ahaa kooxda hab-maamuska xafiiska Khayre ayaa kusoo jeeday magaaladda Muqdisho, isaga oo [transit] kusoo ahaa Addis Ababa.

Dhinaca kale, Aamina Ibraahim Odowaa iyo iyo gabar ay dhashay oo lix sano jir ahayd taasoo lagu magacaabayey Safiya Faysal Cumar ayaa qayb ka ahaa dadkii ku baxay shilka diyaaradeed.

Labada marxuum ayaa haystay dhalashada Canada, balse waxay asal ahaan kasoo jeedeen Soomaaliya.

Maxamed Xasan Cali, wiil la dhashay marxuumad Aamina, ayaa u sheegay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da in walashiisa ay Sabtidii kasoo duushay Canada ayna kusoo wajahneyd Nairobi.

Cabdishakuur ShahaadCabdishakuur ayaa ka imaaday Sweden, wuxuuna Transit ku ahaa dalka Itoobiya oo uu doonayey inuu kaga sii gudbo Magaalada Nairobi oo ay ku wajahneyd diyaaradda Burburtay.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso Liiska Wadamada dadkii Dhintay

32 Kenyans

18 Canadians

9 Ethiopians

8 Italians

8 Chinese

8 Americans

7 British

7 France

6 Egyptians

5 Holland

4 Indians

4 Slovakia.

3 Austrians

3 Swedes

3 Russians

2 Moroccans

2 Spain

2 Poland

2 Israel

1 Belgium

1 Indonesia

1 Somalia

1 Norway

1 Serbia

1 Togo

1 Mozambique

1 Rwanda

1 Sudan

1 Uganda

1 Yemen

Caasimada Online
Xafiiska Addis Ababa
caasimada@live.com