Trump oo isbital la dhigay iyo wararkii ugu dambeeyey xaaladdiisa caafimaad

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la dhigay isbitalka Walter Reed National Military Medical Center, oo ku yaalla magaalada Bethesda ee gobolka Maryland ee ku dhow Washington, halkaasi oo uu dhowr maalmood ku sugnaan doono.

Bayaan kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in Trump uu ku sugan yahay xaalad dhiiranaan ah, islamarkaana uu leeyahay astaamo aan xooganeyn oo ka mid ah kuwa cudurka Coronavirus.

“Si loo muujiyo taxaddar dheeri ah, iyo soo jeedin ka timid dhaqtarkiisa iyo khubarada caafimaadka dartood, madaxweynaha waxa uu kasoo shqeyn doonaa xafiiskiisa Walter Reed maalmaha soo socda,” ayaa lagu yiri bayaanka Aqalka Cad.

“Madaxweynaha waxa uu ka mahad-celinayaa taageerada aad u muujiseen isaga iyo marwada koowaad.”

Ilo-wareed ku dhow madaxweynaha ayaa sheegay in tan iyo subaxnimadii Jimcaha lagu arkay qandho iyo qufac kooban, ayada oo qandhada ay tahay mid darran. Waxaa sidoo kale la sheegay inuu daal dareemayo.

Madaxweynaha Mareykanka Donlad Trump ayaa subaxnimadii Jimcaha shaaca ka qaaday in isaga iyo marwada koowaad Melania Trump laga helay cudurka Coronavirus.

Trump ayaa muddo saadaalinayey inuu cudurka Coronavirus “iskiis isaga tagi doono,” kuna adkeysanayey inay xakameeyeen.

Trump ayaa muddo bilooyin ah diidanaa inuu xirto maaskaro, isaga oo habeenkii Talaadada ee uu doodda la yeeshay Joe Biden, si aad ah ugu jees jeesay inuu xirnaa maaskaro.

Trump ayaa ka mid ah dadka loo arko inay halis u yihiin in cudurka ay u dhintaan maadaama uu yahay 74 jir, ayada oo 80% dadka cudurka u dhintay ee Mareykanka ay ka weyn yihiin 65 jir. Trump ayaa sidoo kale qaba kolestarool sare, waxaana culeeskiisa lagu qiyaasaa 110 kg.