33.4 C
Mogadishu
Saturday, April 11, 2026

Trump oo ka baxaya dagaalka Iiraan, kana quustay Hormuuz

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa u sheegay la-taliyayaashiisa inuu diyaar u yahay inuu soo afjaro ololaha militari ee ka socda Iran, xitaa haddii marin-biyoodka Hormuz uu weli inta badan xiran yahay, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan maamulka, waxaa sidaas ku warramay The Wall Street Journal.

Go’aankaas ayaa la rumeysan yahay inuu Iran u ogolaan karo inay sii haysato gacan-ku-heynta marin-biyoodkaasi, halka howlgalka adag ee dib loogu furayana dib loogu dhigayo waqti dambe.

Saraakiishaasi waxay sheegeen in maalmihii u dambeeyay Trump iyo kooxdiisu ay qiimeeyeen in hawlgal lagu jebiyo xanibaadda marin-biyoodka uu dagaalka ka dheereyn karo waqtiga uu madaxweynuhu u asteeyay, oo ahaa afar illaa lix toddobaad.

Sidaas darteed, Trump ayaa go’aansaday in Mareykanku diiradda saaro yoolalka ugu waaweyn ee hadda horyalla, oo ay ka mid yihiin wiiqidda awoodda ciidamada badda Iran iyo kaydkeeda gantaallada, kadibna la soo afjaro dagaalka socda iyadoo Tehran lagu cadaadinayo waddo diblomaasiyadeed si ay dib ugu fasaxdo isu socodka ganacsiga.

Haddii dadaalladaas fashilmaan, Washington waxay qorsheyneysaa inay xulafadeeda Yurub iyo dalalka Khaliijka ku riixdo inay hoggaanka u qabtaan howlgalka dib loogu furayo marinka Hormuz, sida ay sheegeen mas’uuliyiintaas. Waxay intaas ku dareen in weli ay jiraan xulashooyin militari oo madaxweynuhu qaadan karo, balse aysan haatan ahayn mudnaantiisa koowaad.

Bilihii la soo dhaafay, Trump ayaa hadallo kala duwan oo mararka qaar is khilaafaya ka jeediyay sida loo wajahayo arrinta Hormuz. Mararka qaar wuxuu ku hanjabay in la duqeyn doono kaabeyaasha tamarta ee rayidka haddii marinka aan dib loo furin muddo cayiman gudaheed. Marar kale, wuxuu yareeyay muhiimadda marinkaasi u leeyahay Mareykanka, isaga oo sheegay in xirnaanshihiisu uu dhibaato ku yahay dalal kale, ayna tahay iyaga waxa ay tahay inay xalliyaan.

Xirnaanshaha sii dheeraada ee marin-biyoodka Hormuz ayaa culays sii saaraya dhaqaalaha caalamka, isla markaana sare u qaadaya qiimaha shidaalka. Dalal badan, oo ay ku jiraan xulafada Mareykanka, ayaa wajahaya saameyn ka dhalatay hoos u dhaca tamartii si caadi ah uga gudbi jirtay marinkaasi. Waxaa sidoo kale dhibaato la kulmaya warshado ku tiirsan agab sida bacriminta beeraha iyo helium-ka loo isticmaalo sameynta chips-ka kombiyuutarada.

Falanqeeyayaal ayaa qaba in haddii aan si dhaqso leh loo soo celin marinnada ammaanka leh, Tehran ay sii wadi doonto inay halis geliso ganacsiga caalamka ilaa Mareykanka iyo xulafadiisu ay gaaraan heshiis ama ay si qasab ah ku soo afjaraan qalalaasaha.

Suzanne Maloney, oo ah khabiir ku takhasustay Iran kana tirsan hay’adda Brookings Institution ee Washington, ayaa ku tilmaantay “mas’uuliyad darro aad u weyn” in howlgalka militari la joojiyo iyadoo marinka Hormuz uusan weli furmin.

Inkasta oo Trump horey ugu hanjabay inuu dib u furi doono marinka, isaga iyo la-taliyayaashiisu waxay ku doodayaan in Hormuz uu aad uga muhiimsan yahay dalalka Yurub, Bariga Dhexe iyo Aasiya marka loo eego Mareykanka, iyagoo sheegay inuusan ahayn marin muhiim u ah baahida tamareed ee Mareykanka.

Saraakiisha sare ee Washington ayaa toddobaadyo ku mashquulsanaa inay xulafada iyo saaxiibbada ku cadaadiyaan inay diyaariyaan wada-hadallo ama qorsheyaal amni si loo hubiyo in shan meelood meel shidaalka iyo gaaska dunida ay mar kale si ammaan ah uga gudbi karaan marinka.

Wasiirka Maaliyadda Mareykanka Scott Bessent ayaa Isniintii wareysi uu siiyay Fox News ku sheegay in Mareykanka ama koox dalal ah oo wadajir u shaqeynaya ay mustaqbalka galbin karaan maraakiibta shidaalka. Hase yeeshee, hadalkiisa lagama dheehan wax degdeg ah oo ku saabsan in marin-biyoodka isla markiiba dib loo furo.

“Suuqa waxaa ku filan sahay, waxaana maalin kasta sii badanaya maraakiibta gudbaya, iyadoo dalal gaar gaar ah ay si ku meel gaar ah heshiisyo ula galayaan nidaamka Iran,” ayuu yiri Bessent. “Laakiin mustaqbalka, Mareykanka ayaa dib u hanan doona gacan-ku-heynta marin-biyoodkan, waxaana jiri doona xorriyadda isu socodka badda, ha noqoto galbin Mareykan ah ama galbin caalami ah.”

Bishan gudaheeda, ku dhowaad 40 dal oo ay ku jiraan Britain, Faransiiska iyo Canada ayaa ballan qaaday inay “diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan dadaallada ku habboon ee lagu xaqiijinayo marin ammaan ah oo laga helo Hormuz”.

Sida ay sheegtay Hay’adda Macluumaadka Tamarta ee Mareykanka, qiyaastii 20 boqolkiiba shidaalka dunida ayaa mara marin-biyoodka Hormuz, halka sanadkii 2024 ay 84 boqolkiiba shidaalka cayriin iyo 83 boqolkiiba gaaska dareeraha ah ee marinkaasi laga dhoofiyay ay ku wajahnaayeen suuqyada Aasiya.

Xakameynta adag ee Iran ku haysato marin-biyoodka ayaa sare u qaaday qiimaha shidaalka, iyadoo qiimaha saliidda ee Mareykanka ay Isniintii ku xirmatay wax ka badan $100 fuustadii, waana markii ugu horreysay tan iyo 2022. Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha maaliyadda ayaa xitaa saadaaliyay in qiimuhu gaari karo $200 fuustadii haddii dagaalku sii wado carqalad joogto ah oo ku timaada marin-biyoodka.

- Advertisement -

Read more

Local News