Turkey oo jawaab ka bixisay eedaha mucaaradka ee la xiriira Haramcad iyo Gorgor

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa si lama filaan ah uga jawaabtay eedeyn ay Midowga Musharaxiinta u jeediyeen xukuumaddooda, taasi oo ay kaga cabanayeen howl-galada guracan ee loo adeegsado ciidamada ay u tobabaraan dowladda federaalka ee Haramcad iyo Gorgor.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Turkiga oo ka jawaabeysa arrintaas ayaa iska fogeysay inay mas’uul ka tahay falalka lagu eedeeyay ciidamada ay u tobabartay dowladda, ayada oo sheegtay inay jiraan dad magac-dil ku sameynaya dedaalada uu Turkiga ku taageerayo Soomaaliya.

“Waxaa ka war haynaa dad wada olole lagu wiiqayo sumcadda Turkiga ee gudaha Soomaaliya, waxaana la og yahay in dadkaas ay doonayaan in dalal kale ay ku lug yeeshaan doodaha siyaasadda ee gudaha, balse isku-daygooda ayaa ah mid guul-daraysanaya,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ay wasaaraddu kaga jawaabtay eedeyntaas.

“Dowladda Turkiga waxay dowr hormuud ah ka qaatada dedaallada caalamiga ah ee lagu dhisayo ciidamo nidaamsan oo anshax leh, islamarkaana mideysan oo ay leedahay Jamhuuriyada Soomaaliya.”

Turkiga ayaa ku doodaya in ciidamada ay tobabaraan si toos ah u hoostagaan Ciidanka Xoogga Qaranka ee Soomaaliya ayna mas’uul ka tahay dowladda Federaalka, taasi oo ay gaashaanka ugu daruureyso cabashadii mucaaridka ee ku aadaneyd ciidamada ay tobabaraan ee sida qaldan loogu adeegsado arrimo siyaasadeed.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo Gorgor oo tobabaray Turkiga ayaa lagu eedeeyay in ay awood xad-dhaaf ah u adeegsadeen mucaaradka oo uu khilaaf ku aaddan arrimaha doorashada kala dhexeeyay madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday, halkii loogu adeegsan lahaa la dagaalanka argagixisada.

Mucaaradka ayaa ku eedeeyay ciidamadaas inay ku lug lahaayeen iska horimaadyo ka dhacay Muqdisho 19-kii February iyo 25-kii April ee sanadkan 2021-ka, kuwaas oo khal-khal geliyay ammaanka caasimadda.

Sidoo kale Midowga Musharaxiinta ayaa hore u sheegay in in gaadiidka gaashaaman ee Turkiga uu ku taageeray ciidamada Soomaaliya loo adeegsaday caburinta shacabka.

Ciidamada sida gaarka ah u tobabaran ee Haramcad iyo Gorgor ayaa kal hore loogu eedeyay inay ku milmeen siyaasada, islamarkaana ay madaxda waqtigeeda uu dhamaaday u adeegsadaan dano siyaasadeed, taasi oo xiisado hor leh ka kicisay caasimada dalka.