Rooble mise Farmaajo: Yaa guddoomin doona shirka doorashada ee Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa inuu ka furmo magaalada Muqdisho, inkasta oo ay u badan tahay inuu kadib dhaco berri, hase yeeshee waxaa su’aalo ay ku gadaaman yihiin kaalinta madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee shirkaas.

Farmaajo ayaa guddoomiyey dhammaan shirarkii hore ee dhex-maray isaga iyo madax goboleedyada, oo uu ugu dambeeyey kii Afisyoone ka dhacay, hase yeeshee maadaama uu iminka maamulka doorashada ku wareejiyey Rooble waxaan caddeyn inuu weli kaalintaas haysan doono iyo in kale.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in ra’iisul wasaare Rooble laga yaabo inuu u ogolaado in madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday uu furo shirka, balse isaga uu hoggaaminta yeelan doono, halka warar kalena ay sheegayaan in Farmaajo shirka hoggaamin doono, islamarkaana uu Rooble noqon doono dhex-dhexaadiyaha Farmaajo iyo madax goboleedyada.

Shirka ayaa lagu wadaa inuu ka furmo xerada Xalane, waxaana xiligan magaalada Muqdisho ka socda kulamo ay isku hor-fadhiyaan Guddiyada ka socda Maamul Goboleedyada iyo dowladda Federaalka, kaasi oo loogu sii gogol xaarayo shirka weyn ee madaxdu iskugu imaaneyso.

Waxaa suurta-gal ah in qaar ka mid ah madax goboleedyada ay ku gacan seeraan haddii uu ra’iisal wasaare Rooble hoggaaminta shirka siiyo Farmaajo.

Maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa hore Farmaajo ugu eedeyay fashilka shirkii looga arrinsanayay doorashada, waxayna si weyn u diidan yihiin in Farmaajo mar kale ku lug yeesho ama door laga siiyo hoggaaminta shirka cusub.

Haddii Rooble uu qaado tallaabo uu maamulka shirka ku siiyo Farmaajo waxay muujin kartaa in aanu u madax bannaaneyn howsha la sheegay in loo igmaday, taasi oo markale fashil hor leh u horseedi karta shirka maamulada dalka iyo dowladda federaalka.

Qodobkan ayaa sidoo kale kamida arrimaha ugu muhiimsan ee ay tahay in go’aan looga gaaro ajendayaasha shirka. 

Astaamihii ugu dambeeyeey waxay muujinayaan in Rooble aanu sidaas sameyn doonin.

Rooble ayaa iska riixay isku day ay madaxtooyada ku dooneysay inay kusoo faro-geliso howshiisa la xiriirta hoggaaminta arrimaha doorashooyinka dalka, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay Caasimada Online u sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu diiday soo-jeedin ka timid madaxtooyada oo aheyd in Cabdi Cali Raage, oo ah la-taliyaha Madaxweyne Farmaajo ee arrimaha doorashooyinka, loo soo wareejiyo xafiiskiisa, si uu ugala shaqeeyo shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Rooble ayaa tallaabada madaxtooyada u arkay isku day saameyn loogu dhex-yeelanayo, taasi oo dhaawici kartay kalsoonida ay ku qabaan mucaraadka iyo maamul goboleedyada kale oo weli u arka inuu yahay dhex-dhexaad.