Rooble oo shan qodob kasoo saaray shirka doorashada ee ka furmaya Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey mira-dhalka shirka loo balansan yahay inuu Muqdisho ka furmo, kaas oo xal loogu raadinayo khilaafka doorashada.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa soo saaray qoraal ka kooban shan qodob oo isugu jira raro-gelin, codsi, mahadcelin iyo balan qaad, waxuuna qodobada uu soo saaray ku yiri:

1 – Waxaan  u diyaar garownay shirka golaha wadatashiga Qaran ee dhameystirka arrimaha doorashooyinka.

2 – Waxaan filayaa in si habsami leh uu noogu furmo, guulna noogu dhamaado, si dalku u aado doorasho daah furan oo heshiis lagu yahay.

3 – Waxaa iga go’an fududeynta wax kasta oo horseedi kara in shirkani uu guuleysto.

4 – Siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed waxaan uga mahadcelinayaa taageeradooda dadaallada aan wadno, waxaana ka codsanayaa garab istaag.

5 – Waxaan Eebbe ka baryayaa inuu howshan noo fududeeyo.

Qoraalkan ka soo baxay xafiiska Rooble oo dowladda federaalka masuul uga ah wadahadallada xalka loogu raadinayo khilaafka doorashooyinka dalka ayaa ku soo aadaya, iyadoo berri ay ku beegantahay 20-ka May oo ah markii uu iclaamiyey in sharku furmo, balse inta badan madaxda dowlad goboleedyada ayaa ku kala maqan gobolladooda, waxaana suurta-gal ah in shirka uu dib u dhaco.

Waxaa muuqata in dib u dhac uu ku imaan doona goorta uu furmayo shirkaas, in kastoo ay wararku sheegayaan in badanaa madaxda dowlad goboleedyada ay gelinka hore ee Khamiista ku soo wajahan yihiin Muqdisho. Rooble ayaa maanta magacaabay guddi uu hoggaaminayo wasiirka Amniga Xasan Xundubey oo loo xil-saaray soo dhaweynta madaxda dowlad goboleedyada.

Dhanka kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa caawa soo gaaray magaalada Muqdisho si uu uga qeyb galo shirka wadatashiga Qaran ee doorashooyinka. Waxaana wafdigaas garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda federaalka, gaar ahaan guddiga loo xil-saaray soo dhaweynta madax goboleedyada Muqdisho soo gaaraya.