Turkey oo xirtay 304 qof oo lala xiriiriyey Daacish

Ankara (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Turkey ayaa xiray 304 qof oo la tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin kooxda Daacish, kadib howlgallo wada socda oo laga fuliyey gudaha dalka, waxaa sidaas maanta sheegay wasiirka arrimaha gudaha.

Ali Yerlikaya ayaa sheegay in tuhmanayaasha lagu xiray 32 gobol oo dalka ka mid ah, balse intooda badan ay ku sugan yihiin saddexda magaalo ee ugu weyn Turkiga ee Istanbul, Ankara iyo Izmir.

Howlgalka oo loogu magac daray “Geesiyada-34” ayaa waxaa si wada jir ah u fuliyay sirdoonka booliska iyo cutubyada la-dagaalanka argagixisada, Yerlikaya ayaa sidaas ku sheegay barta X.

Weli ma jiro wax macluumaad oo ku saabsan dhalashada tuhmanayaasha.

Daacish ayaa weeraro dhowr ah oo dhimasho badan ka geystay dalka Turkiga, waxaana ka mid ahaa toogasho ka dhacday goob lagu caweeyo oo ku taalla Istanbul 1-dii Janaayo, 2017, weerarkaas oo ay ku dhinteen 39 qof intii lagu jiray dabaal-degga sanadka cusub.

Ma cadda haddii howlgalkii ugu dambeeyay uu qeyb ka yahay howlgallada amniga lagu xaqiijinayo kahor dabaal-degga sanadka cusub.

“Ma jiri doonto wax nasasho ah oo ay helaan argagixisada, sababtoo ah nabadda, midnimada iyo wadajirka qarankeena aan jecelnahay,” ayuu yiri Yerlikaya. “Dadaalka sare ee ciidamadeena amniga dartiis, dagaalkeenu wuxuu usii socon doonaa si aan kala go’ lahayn.”

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa X soo dhigtay muuqaal muujinaya howlgallada, oo ay ku jiraan ciidamada la-dagaalanka argagixisada oo albaabo jebinaya, gacmaha ka xiraya tuhmanayaasha, islamarkaana u sii kaxeynaya gaadiidka booliska.

AP, VOA