Ankara (Caasimada Online) – Turkigu waxa uu hor istaagi doonaa wax iskaashi cusub ah, oo ay ku jiraan dhoola-tusyada militari, oo dhexmara Israa’iil iyo NATO illaa laga xaqiijiyo xabbad-joojin rasmi ah oo Gaza ka hirgasha, sida ay ilo-wareedyo rasmi ah oo Turkshi ah u sheegeen shabakadda Middle East Eye, Isniintii.
Wargeyska Israa’iil ah ee Yedioth Ahronoth ayaa dhammaadkii asbuucan ku warramay in Turkigu uu hor istaagay Israa’iil inay ka qayb qaadato dhoola-tuska sanadlaha ah ee NATO ee ku saabsan “adkeysiga iyo diyaar garowga xaaladaha deg-degga ah” oo ka dhici doona Bulgaria, bisha September.
Ilo-wareedyo laba ah oo Israa’iili ah ayaa u xaqiijiyay Middle East Eye in Ankara ay hor istaagtay ka qayb qaadashada dalkooda ee dhoola-tuska.
Hal ilowareed ayaa sheegay in tallaabadan danbe ay macquul tahay in ay la xiriirto hadallo kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, kaasoo ballan qaaday inuu ilaalin doono bulshooyinka Druze iyo Kurdida ee Suuriya.
Hadalladan iyo joogitaanka militari ee Israa’iil ee Suuriya ayaa ka careysiiyay Ankara, oo aaminsan in Netanyahu uu rabo inuu kala qaybiyo dalka.
Jawaabta Turkey
Hase yeeshee, ilowareed rasmi ah oo Turkish ah ayaa inkiray in tallaabadan ay wax lug ah ku leedahay arrinta Suuriya.
“Waxaan hor istaagaynay Israa’iil iskaashiyo cusub oo ay la yeelato NATO muddo ka badan sannad,” ayuu yiri ilo-wareedka. “Si kastaba ha ahaatee, howlaha ka dhashay xaaladda Israa’iil ee NATO waa ay socdaan.”
Ilo-wareedka ayaa intaas ku daray in marka laga reebo hawlihii horey loogu heshiiyay dagaalka ka hor, Ankara ay awood u leedahay inay diidmo (veto) ku sameyso go’aan kasta oo NATO dhexdeeda ah, taasoo ku shaqeysa go’aanno midaysan.
“Ilaa laga xaqiijiyo xabbad-joojin rasmi ah oo Gaza ka hirgasha, caqabadahana laga qaado gargaarka bani’aadannimo, ma ogolaaneyno go’aanno cusub ama kuwo dheeraad ah in la gaaro ama dhaq-dhaqaaqyo o cusub lagu abaabulo NATO oo ku saabsan Israa’iil,” ayuu yiri ilo-wareedka.
Ankara ayaa horey u hor istaagtay Israa’iil inay hesho heerka indha-indheeye ee NATO, mowqifkaas oo ay meesha ka saartay intii lagu guda jiray hannaankii dib-u-heshiisiinta ee dhexmaray labada dal sannadkii 2023.
Xiriirka Israel iyo Turkey
Xiriirka Turkiga iyo Israa’iil ayaa si ba’an u xumaaday tan iyo markii kulan u uku dhexmaray Erdogan iyo Netanyahu magaalada New York bishii September 2023, kaasoo ujeedkiisu ahaa inuu noqdo astaan dib-u-heshiisiin.
Si kastaba ha ahaatee, kadib weerarkii ay Hamas hoggaaminaysay 7 October 2023 iyo dagaalkii xigay ee Israa’iil ay ku qaaday Gaza, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 48,000 oo Falastiiniyiin ah, Ankara ayaa xoojisay dhaleeceynteeda dowladda Netanyahu.
Tani waxay horseedday taxane tallaabooyin ah, oo ay ku jiraan tallaabooyin sharci ah iyo cunaqabatayn ganacsi, gaar ahaan ka dib doorashooyinkii deegaanka ee Turkiga, halkaasoo Xisbiga Caddaaladda iyo Horumarinta ee Erdogan uu waayay taageero sababo la xiriira jawaab celin daciif ah oo laga bixiyay dagaalka Gaza.
Tan iyo bishii September, ganacsiga socda ee Turkiga ee Israa’iil iyada oo loo marayo dhinacyo saddexaad ah iyo Falastiin ayaa kiciyay olole cadaadis dadweyne ah oo ay wadaan mucaaradka, kuwaasoo ku eedeeyay Erdogan inuu ku guuldareystay inuu xannibo dal-daloolada.
Ankara sidoo kale waxay ku biirtay dacwad ka dhan ah Israa’iil oo taal Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda, taasoo ku eedeynaysa dalkaas inuu xasuuq ka wado Gaza.