Turkiga oo shaaciyey arrin aan horey looga ogeyn oo ku saabsan ciidanka Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha difaaca Turkiga ayaa markii ugu horeysey shaacisay arrin aanan horey waxbadan looga ogeyn oo ku saabsan kaalinta dowladda Qatar ay ku leedahay arrimaha tabobarka ciidamada Soomaaliya.

Bogga Twitter-ka ee wasaaradda ayaa lasoo dhigay sawirro iyo qoraallo muujinaya saraakiil sarsare oo ka socota militariga dalka Qadar oo tabobar u fidinaya 350 ciidamada kumaandooska Soomaaliya ah oo lagu laylinayo xero weyn oo ku taalla dalka Turkiga.

Sawirrada ayaa lagu dul qoray jumladahan oo luuqadda Turkiga aan kasoo turjunnay: “Xarunta Tababarka dhanka la dagaallanka argagixisada iyo carbiska (Isparta). Isbuucii saddexaad ee tababarka loo sameynayo 350 askari oo Soomaali ah oo Turkiga jooga, waxaana qayb ka ah tababarka ciidankan xubno ka tirsan ciidanka militariga ee waddanka Qadar.”

Tababarkan saraakiisha Qadar ayaa ku saabsanaa arrimaha argagixiso la dirirka , wuxuuna ka dhacay xero ku taalla magaalada Sparta ee dalka Turkiga.

Sidoo kale tababarka ciidamada Soomaaliya ayaa aad loogu yaqiinay in ay fidiso dowladda Turkiga, balse kaalinta Qadar ee ciidamada waxay ahayd mid aanan horey looga warqabin, kaliya waxay dowladda Qadar ku koobnayn arrimaha kale ee siyaasadda iyo diplomaasiyadda la xiriira.

Turkiga iyo Qadar ayaa waxaa ka dhaxeeya iskaashi militari, iyada oo dowlad kastaba ay saldhig ciidan ku leedahay dalka kale, si isweydaar ah, inkasta oo la sheegay in saldhigga Turkiga uu ku leeyahay Qadar uu weynyahay.

Turkiga waxuu saldhigga ugu weyn ee tababarka ciidamada ku leeyahay Muqdisho, kaas oo lagu magacaabo TurkSom, hase yeeshee ciidamada gaar ah ayaa intooda badan lagu tabobaraa gudaha Turkiga.

Lama oga in saraakiisha Qadar ay tabobar iyo talobixin ciidanba ka fuliyaan gudaha Soomaaliya xilli kooxaha mucaaradka ee Soomaaliya ay aad farta ugu godayaan dowladda Qadar, kuna eedeeyaan in ay garab siiso dowladda hadda jirta ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Hulusi Askar ayaa bishii Novembar magaalada Ankara kula kulmay taliyaha guud ee ciidamada Soomaaliya Jeneraal Odowaa.

Markii ugu dambeysay oo arrin ku saabsan ciidamada oo xiriir la leh Qadar ay soo shaacbaxdo waxa ay ahayd sanado ka hor, markii dowladda Soomaaliya ay fududeysay dhallinyaro Soomaali ah in askar ahaan loogu qaado Qadar si ay uga qeybgalaan illaalinta koobka adduunka oo ka qabsoomaya dalka  Qadar sanadkan 2022-ka.

“Dowladda Qadar waxa ay cambaareynaysaa xadgudub kasta oo loo geysto qof si marin habaabin ah loogu sheegay in Qadar loo geynayo fursado shaqo. Dowladda arrinkaasi waa ay kasoo horjeeddaa, waxayna dhammaan dowladaha kale ka codsanaysaa in ay baaraan ficiladaasi” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska warfaafinta Qadar, sida uu kasoo xigtay wargeyska Doha News oo Qadar laga leeyahay.

Bishii Janaayo ee sanadkii 2019-kii ayay dowladda Qadar gaadiidka gaashaaman ugu deeqdey ciidamada Soomaaliya sida ay xilligaasi faafisay wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA.

Ma jirto xog shaac baxsan ama meel furan oo laga tixraaci karo hawlaha tababarka, qalabaynta iyo caawinta Turkiga ee ciidamada Soomaaliya marka laga reebo war-saxaafadeedyada iyo mararka kooban ee warbaahinta loogu yeero ciidamo soo qalin jabiyay oo Muqdisho lagu soo dhoweynayo iyo kuwo dhoofaya.

Mucaaradka Soomaaliya iyo waalidiin ubad ka maqanyihiin oo dhawr jeer warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidan markii hore loo qoray in Qadar loo qaadayo markii dambe la geeyay dalka Eritrea, si loogu tabobaro.

Dowladda Soomaaliya iyo tan Qadar ayaanan weli eedahaasi ka jawaabin, lamana oga hadda illaa xadka Qadar ay ku lug leedahay arrimaha tababarka ciidamada Soomaaliya oo marar badan ay soo baxeen eedo la xiriira in sababo siyaasadeed loo adeegsado.

Balse sida uu qoray wargeyska Doha News bishii Janaayo 2021-kii, dowladda Qadar ayaa dowladda Soomaaliya ka codsatay in ay baaritaan ku samayso dhallinyarada la la’yahay ee la sheegay in ay ku maqanyihiin dalka Eritrea.

Xigasho: BBC