Wararkii ugu dambeeyey ee wada-hadallada Villa Soomaaliya iyo XUUD

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneral Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) oo wareysi cusub bixiyey ayaa ka hadlay xaaladda guud ee magaalada Beledweyne, gaar ahaan kulamada xasaasiga ah ee uu haatan la leeyahay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xuud oo u warramay Shabelle TV ayaa shaaca ka qaaday inuu shirar gaar ah la yeeshay taliyaha ciidamada Lugta ee Xoogga dalka Soomaaliyeed oo metalayey, sida uu sheegay madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Waa noo sheegay inuu si gaar ah u metelayo madaxweynaha,” ayuu yiri Jeneral Xuud oo ka warbixinayey dadaallada uu haatan wado taliye Biixi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu maanta kusoo jeedo magaalada Muqdisho, isaga iyo rag kale oo reer Hiiraan ah, si loo sii amba qaado wada-hadallada haatan billowday

“Muqdisho ayaan imaanayaa maanta dad badan ayaa i wehlinayo oo ila tegi doono,” ayuu markale sii raaciyey.

Jeneral Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inuu kulan gaar ah la qaadan doono Farmaajo, wuxuuna sidoo kale rajo wanaagsan ka muujiyey inay guuleysan doonaan wada-hadallada socda ee xalka loogu raadinyo tabashada reer Hiiraan.

“Xalka Hiiraan haddaan madaxweynaha isku tegno waxaan qiyaasaayaa 70% inay xalismi doonto,” ayuu markale yiri Xuud.

Dhinaca kale wuxuu beeniyey in illaa & hadda uu kulan la yeeshay madaxda HirShabelle ee ku sugan Beledweyne, sida madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Yuusuf Dabageed. Xuud ayaa sheegay inuu haatan wadahadalku kula jiro dowladda federaalka Soomaaliya.

“Kacdoon ayaa nala yiraahdaa HirShabelle wax la yiraahdo shir lama yeelanin annaga,” ayuu kusoo gabagabeeyey hadalkiisa.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maalin ka hor taliyaha ciidamada lugta oo ay aad isugu dhow yihiin Farmaajo uu gaaray Beledweyne, isaga oo halkaas ka bilaabay kulamo xal raadin ah, si magaaladaasi loogu qabto doorashada Golaha Shacabka ee Soomaaliya.