Khasaare ka dhashay laba qarax oo Muqdisho ka dhacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay noo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah qof soo xirtay jaakadda qaraxda ayaa gabal-dhicii isku miidaamiyey Maqaayad ku taalla afaafka hore ee xerada tababarrada ciidanka xoogga Soomaaliya ee Jeneraal Dhega-badan Ex xero Nacnac.

Inta la xaqiijiyey 4-qof ayaa ku geeriyootay qaraxaas, sidoo kale ugu yaraan 10 qof oo kale ayaa ku dhawacmay, dadkaas ayaa la sheegay inay isugu jiraan askar iyo shacab ku sugnaa maqaayada.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa qoraal uu ka soo saaray qaraxaas waxuu ku yiri, “Abaaro 5:18 PM qof naftii halige ah ayaa isku qarxiyey Maqaayad u dhaw Xerada Jenera Dhagabadan Ex. Nacnac, khasaaraha ayaa noqday 14 qof oo dhaawac ah, ayadoo ay dhaawici u geeriyoodeen 4-qof, shakhsiga naftiisa haligaha ah ayaa toos u beegsaday Maqaayad ay ku shaahayeen dad ka mid ab bulshada deegaankaas.”

Kooxda Al-Shabaab ayaa durbadiiba sheegatay masuuliyadda qaraxaas, warbaahinta taageerta kooxda ayaa werisay in Al-Shabaab ay sheegteen in qaraxaas lagu dilay 20 askari oo ka tirsanaa ilaalada dugsiga tababarrada ciidanka Soomaaliya ee TurkiSom.

Maqaayada uu galabta qaraxaasi ka dhacay oo ku taalla ka soo horjeedka Warshadii hore ee Nacnaca, haatana ah xero tababar oo ciidanka xooggu uu leeyahay ayaa dhacda dhinaca koonfureed ee degmada Wadajir, 15-Juun 2021-kii ayuu sidaan oo kale qarax ismiidaamin ah uga dhacay maqaaxidaas.

Dhanka kale qarax gaari lagu dhejiyey ayaa mar kale caawa ka dhacay isla degmada Wadajir, gaar ahaan agagaarka halka loo yaqaano Xaaji Gaabow, gaariga qaraxaas lagu dhejiyey waxaa lahaa shirkad lagu magacaabo Caadil, mana jiraan wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay, markii laga reebo burbur xoog leh oo gaaray gaariga, sidaas waxaa warbaahinta u xaqiijiyey afhayeenka booliska Soomaaliya Gaashaanle Cabdifitaax Aadan.