UCID oo war xasaasi ah ka soo saaray heshiiskii qabsoomida doorashooyinka

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xisbiga mucaaridka ah ee Ucid ayaa maanta si adag uga hadlay heshiiskii ay saddexda xisbi qaran ka wada-gaareen khilaafkii doorashooyinka Somaliland.

Axmed Cabdi Muuse Abyan, Musharaxa Madaxweyne ku-xigeen ee xisbiga Ucid kana mid ah hogaanka sare Xisbigaasi, ayaa sheegay in xisbiga Kulmiye uu ka dambeeyo fashilka ku imaaday heshiiskaasi ay saddexda xisbi ku kala saxeexdeen madaxtooyada Somaliland.

Abyan ayaa sidoo kale waxa uu dhaliilo culus u jeediyey xukuumada Madaxweyne Biixi oo ku tilmaamay mid Somaliland u horseeday inay gasho xaalad murugsan oo aan wax ka qaban laheyn.

Musharaxa madaxweyne ku-xigeen ee xisbiga Ucid, Axmed Cabdi Muuse Abyan oo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Heshiiskii ay sadexda xisbi, madaxweynaha iyo guddoomiyayaashu ay ku saxeexeen, bulshada caalamkuna ay goobjooge ka aheyd xafiiska madaxweynaha, heshiis-kaas oo ku saabsanaa doorashadii golayaasha, is afgarad la’aantii jirtay in laga gaadhay laguna balamay in laga wada hawl galo inuu heshiiskaasi fulo”.

“Heshiiskaasina taariikh uu lahaa xiliga kama danbayn ah ayuu lahaa gudiyo ayaa jiray sadexda xisbi ah oo ay ahayd inay hawshaas iyaguna ay dhinac socdaan oo madaxweyne ku-xigeenku uu oday u ahaa, markiiba anagu waanu ka hawlgalnay Ucid ahaan iyo xisbiga kale ee mucaaradka ah ee Waddani heshiiskaasi sidii uu u dhaqan gali lahaa nasiib daro waxaanu waynay Kulmiye da’daal badan ayaanu ku bixinay inaanu raadino Kulmiye iyo gudidoodii iyo madaxweyne ku xigeenka si looga hawlgalo heshiiskaas fulintiisii, hawshaas waanu ku guuldaraysanay oo maanu helin magaaladana waa ay joogeen”.

“Waxaanu ku guulaysanay Ucid iyo Waddani labada xisbi ee mucaaradka ah inaanu gayno mooshin-kaas oo ahaa hirgalinta qodobkii ugu horeeyay ee heshiiska ee ahaa in xubnaha komishanka ee soo socda mid lagaga dhigaayo 9 halkay 7 ka ahaayeen, mooshinkaasana waxay ahayd in ay gudbiyaan saddexda xisbi qaran xildhibaanadii Kulmiye waanu waynay walow aanu helnay ashkhaas damiirkoodu uu siiyay inay mooshinkaas wax ka gudbiyaan oo saxeexay”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaanu ku da’daalaynay anaga iyo xisbiga Waddani in mooshinkaas cod la galiyo inta aanu goluhu fasax galin marlabaadna waanu waynay xisbigii Kulmiye cid nagala shaqaysa hawshaas waliba waxaanu ogaanay inay ka ollolaynayeen oo ay ka dhan ahaayeen heshiiska inuu fulo”.

“Waxaana ayaan daro ah in Kulmiye ay isku qanciyeen in talaabooyinka ay qaadayaan ay qayb ka tahay inay heshiiska dhankooda ka fuliyeen, Kulmiye iyaga ayaa looga fadhiyaa xaalada aadka u qadhaadh ee ay wadankii galiyeen iyo rajadii laga qabay inay doorasho ay dhacdo masuuliyadaasna iyaga ayaa qaadaya xisbi ahaan iyo ilaa madaxa u sareeya iyo guddoomiyaha baarlamaanka oo ku kacay talaabadan foosha xun”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com