Qodobo kasoo baxay shirka wasiirada warfaafinta DF iyo dowlad goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradaha Warfaafinta Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada Soomaaliya, ayaa shir wada-tashi ah ku yeeshay magaallada Muqdosho kaas oo looga hadlay iskaashiga labada heer eewasaaradaha gaar ahaan dhanka wacyigelinta.

Shirka, waxaa ka qeyb galaya wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Daxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya,Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Warfaafinta Puntland Mudane Cali Xasan Axmed,Warfaafinta Koofur-Galbeed Mudane Ugaas Xasan Maxamed, Wasiirka Warfaafinta Galmudug MudaneMaxamed Aadan Cusmaan, Wasiirka Warfaafinta Hirshabelle Mudane Cabdiwali Maxamed Cabdi, Masuuliyiinka socota Dowladda Jubbaland, Agaasimeyaasha guud, madaxda warbaahinta dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed CabdiXayir Maareeye ,oo shirka furay ayaa sheegay in shirkani uu qeyb ka yahay shirar wada-tashi ah, oo aywasaaraduhu si joogto ah u yeelan jireen.

Wasiirraada iyo Agasimayaasha Wasaaradaha Warfaafinta ee Dowlad-goboleedyada, ayaa shirka si gaar ahdiiradda ugu saaray horumarinta Wasaaradaha iyo hay’adaha Warbaahinta ee heerarka kala duwan ee Qaranka,iyadoo la wadaagayo khibradaha iyo kheyraadka la heli karo.

Waxyaabaha shirkan lagu lafoguray, waxaa kaloo ka mid ah mideynta dadaalada hirgelinta wacyigelinta laxiriirta arrimaha Xagjirnimada, Argagixisada, Dowlad-wanaagga, Doorashooyinka, Dhamaystirka Dastuurkaiyo arrimaha bulshada, iyadoo la raacayo Istiraatiijiyadda Qaran ee Wacyigelinta, oo ay wasaaraduhuansixiyeen sanadkii 2018-ka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com