Uhurro Kenyatta oo mar kale weerar ku qaaday Guddiga Doorashooyinka Kenya

Nairobi (Caasimada Online)-Sida ay baahiyeen warbaahinta caalamka waxaa dib loo dhigay doorashada dalka Kenya oo khilaaf badan ka dhex abuurtay Madaxda Kenya.

Guddiga Doorashooyinka madaxtinimo ee dalka Kenya ayaa ku dhawaaqey in dib loo dhigay doorashada sababo la xiriira xiisad siyaasadeed ka dhalatay.

Guddiga ayaa sheegay inay wadaan qorsho lagu doonaayo in wax laga badalo howlaha doorashada, iyadoo hore qorshuhu uu ahaa in doorashada ay dhacdo 17-ka Octobar.

Guddiga ayaa sheegay inay ka fogaanayaan cilad kaga imaada dhanka doorashada, iyadoo ay jiraan dhaliilo kala duwan oo kaga imaanaya dhanka musharaxiinta.

Maxkamada sare ee Kenya ayaa waxba kama jiraan ka soo qaaday natiijooyinkii doorashadii horay u dhacday ee uu ku guuleystay Madaxweyne Uhuru Kenyata.

Uhuru Kenyata ayaa maxkamada saree e dalka ku eedeeyey inay inqilaabeen dadka reer Kenya.

Kormeerayaasha caalamiga ah ayaa muujinaya cabsi laga qabo xiisadaha siyaasadeed ee haatan jirra, maadaama weli ay sii kordhayaan walaaca iyo muranada siyaasadeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha cadaadiska la kulmaaya Uhurro Kenyatta ayaa heley codad gaaraya 54. Halka Raila Odingana la sheegay inuu hellay boqolkiiba 44, natiijada doorashadii hore ee dhacday balse maxakamaddu ay laashey.

Geesta kale, cabsida ugu badan ee dib u dhaca doorashada ayaa timid kadib markii Sanadii 2007-dii uu dalka Kenya marti galiyay rabshado ka dhashay doorashada taa oo ay ku naf waayen shacab badan.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com