Shir degdeg ah oo magaalada Cadaado uga socda Wasiirada maamulka Galmudug (Ujeedka)

Cadaado (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in shir degdeg ah uu iminka magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug uga socdo Wasiiro ka tirsan maamulka Galmudug.

Wararku waxa ay sheegayaan in shirka degdega ah uu ka horeeyay shirar gaargaar ah oo ay wada qaaten Wasiirada kaa oo ku saleysan Khilaafka xoogan ee u dhexeeya Hogaamiyaha maamulka iyo ku-xigeenkiisa ee ku aadan arrinta Khaliijka.

Mid kamid ah Wasiirada qeybta ka ah shirka ayaa xaqiijiyay in shirka degdega ah uu la xiriiro Khilaafka Hogaamiyaha iyo ku-xigeenkiisa, waxa uuna arrin khalad ah ku tilmaamay in Hogaamiyaha maamulka uu meel uga dhacay sharciga isla markaana go’aan qaatay kaligii.

Wasiirada uu shirka u dhexeeyo ayaa la sheegayaa inay ku kala qeybsameen arrinta Khilaafka Khaliijka iyo go’aanka ay ka qaadatay dowlada Somalia.

Hogaamiye ku-xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi ayaa dhinacooda la sheegay in ay abaabulayaan kulamo kale oo looga soo horjeedo Hogaamiye Xaaf bacdamaa uu durbo lid ku noqday dowlada Somalia.

Ma cadda waxa kasoo bixi doona shirka degdega ah ee hadda magaalada Cadaado uga socda Wasiirada maamulka.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com