Uhuru Kenyatta ma ka qeyb-galayaa caleemo-saarka madaxweyne Xasan Sheekh?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa la sheegay inuu ka qeyb galayo caleema saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo 15-ka bishaan la doortay.

Illo diblomaasiyadeed oo la hadlay wargeyska Economist ayaa xaqiijiyey in madaxweynaha Kenya uu qeyb ka yahay mas’uuliyiinta lagu casuumay caleema saarka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Uhura Kenyatta ayaa horey uga qeyb-galay caleemka saarkii hore ee Xasan Shiikh Maxamuud markaas oo ay u aheyd markii ugu horeysay oo uu Soomaaliya madaxweyne ka noqday sanadkii 2012.

Caleemka saarka madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud Maxamuud oo ay kasoo qeyb geli doonaan madaxda Soomaalida iyo kuwa Caalami ah ayaa la filayaa inay Muqdisho ka dhacdo 9-ka Bishaan June ee 2022.

Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa ahaa mid aad u xun Shantii sano ee uu dalka ka talinayey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaasi oo Kenya ka dhigay dowlad cadow ku ah Soomaaliya.

Tallaabooyinkii uu qaaday madaxweynihii hore ee Soomaaliya ee sii xumeeyey xiriirka Kenya waxaa kamid ahaa joojinta qaadkii ka imaan jiray dalkaas iyo fasixidda qaadka Itoobya.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo halku dhigiisa uu yahay “Soomaali heshiis ah dunidana heshiis ah” ayaa la filayaa inuu dib u hagaajin ku sameeyo xiriirka dowladaha ay xiriirkooda dhumisay dowladdii hore.