25 C
Mogadishu
Friday, January 23, 2026

Uhuru Kenyatta oo u hadlay sida inuu madaxweyne ka yahay Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya kama bixi doonaan Soomaaliya waxaa sidaasi yiri Uhuru Kenyatta oo ah Madaxweynaha dalka Kenya, isaga oo ka jawaabayay hadal ka soo yeeray isbaheysiga Mucaaradka ah ee NASA, kaasi oo sheegay in Soomaaliya ay ka soo saari doonaan Ciidamada Kenya.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha Kenya in Mucaaradka aanan la aamini Karin, maadaama aysan heysan qorshe cad oo ay ku maamulayaan Kenya.

Kenyatta oo si hadlaya ayaa yiri “Markii aan shalay maqlay warka ka soo yeeray NASA, waan la yaabay, waxa ay sheegeena waa wax aysan Kenya u qalmin.”

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sidoo kale sheegay Ciidanka Kenya ee jooga Soomaaliya in ay qeyb ka yihiin Howlgalka AMISOM, sidaasi darteedna Soomaaliya ay ku sugnaan doonaan ilaa Ciidamada Dowladda Federaalka ay ka noqdaan kuwo la wareegi kara ammaanka dalkooda.

Uhuru sidoo kale wuxuu NASA ku eedeeyay in keliya Kenya ay u soo jiidayaan faqri iyo colaad aan dhamaad lahayn, isaga oo taa bedelkeeda taageerayaashiisa u balan qaaday in Kenya xaga sare uu gaarsiin doono.

Guud ahaan dalka Kenya ayaa waxaa si aad ah looga dareemayaa Ololaha Doorashada Madaxtinimada Kenya, taasi oo mareysa heer gaba gabo ah, maadaama Doorashada ay dhaceyso Bisha August.

Waxa ais-weydiin mudan, go’aanka ciidamada Kenya ay uga baxayaan ama ku joogayaan Soomaaaliya, ma waxaa leh Uhuru Kenyatta, mise Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News