28 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Dab ka kacay suuqa Xamar weyne oo khasaare hantiyadeed dhaliyey

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goor dhow lagu guuleystay in la damiyo dab aad u xoogan oo ka kacay suuqa weyn ee Xamar Weyne, gaar ahaan qeybta xiga barxadda Yaasiin, Suuqa malaayga lagu iibiyo iyo qeybaha u dhow.

Dabkaan oo loo maleynaayo inuu ka dhashay koronto ayaa waxaa ka dhashay khasaare hantiyadeed, iyadoo ilaa hadda lasoo sheegin cid wax ku noqotay.

Gaadiidka dab-damiska iyo dadweyne kale oo soo gurmaday ayaa ku guuleystay in ay damiyaan dabkaan oo weli la shaacin baaxada inta ay la eg tahay khasaaraha ka dhashay.

Bilowgii sanadkaan ayaa labo jeer oo is xiga dab uu ka kacay suuqa Bakaaraha oo ay ku burbureen hanti malaayiin dollar ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News