Ujeedka safarka uu wasiirka difaaca Talyaaniga maanta ku yimid Muqdisho + Video

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka difaaca dalka Talyaaniga Guerrini Lorenzo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana lagu warramayaa inuu dalka u yimid arrimo la xiriira ciidamada.

Wasiirka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku dhaweeyay taliyaha ciidamada xoogga dalka Janaraal Odawaa Yuusuf Raage iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sida la fahamsan yahay, Guerrini Lorenzo wuxuu u yimid Muqdisho inuu la kulmo xubnaha ugu sarreeya dowladda Soomaaliya, wuxuuna fariin ka wadaa dowladda Talyaaniga oo dooneysa iney ka qeyb qaadato tayeynta ciidamada Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya ka caawineysay tayeynta ciidamada muddooyinkii ugu dambeeyay, waxeyna soo saartay cutubyo badan oo ka tirsan ciidamada Booliska iyo kuwa Militariga kuwaas oo hadda u muuqda iney cudud weyn kusoo kordhiyee dowladda.

Si kastaba imaatinka wasiirka difaaca talyaaniga iyo arinta laga dhawaajiyay ee tayeynta ciidamada oo laga wadahadlo ayaa imaaneysa xilli mucaaradka ay walaac xoogan ka qabaan ciidamada Soomaalida ee la xoojinayo, maadaama ay u arkaan in dano shaqsi ah loo adeegsado, lana baalmaray habkii guud ee qaranimada.