QOOR QOOR oo go’aan ka gaaray kursiga SAABIR

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Galmudug ayaa galabta qaaday tallaabadii u dambeysay ee laga soo gabagabeynayo doorashada kuraasta taalla magaalada Dhuusamareeb, kadib markii ay galabta shahaadooyinka musharaxnimada guddoonsiiyeen musharaxiinta kursigii u dambeeyey.

Guddoomiyaha guddigaas Maxamed Daahir Guuleed iyo Afhayeenka guddiga doorashooyinka heer federaal Axmed Safiina ayaa si wadajir ah shahaadada musharaxnimada u guddoonsiiyey Cabdisaabir Nuur Shire oo ah wasiir ka tirsan Galmudug iyo Saciid Khaliif Xirsi oo ku wada tartami doona kursiga HOP#071.

Waa kursigii u dambeeyey ee yaalla Dhuusamareeb oo la diiwaan geliyo musharaxiintiisa, waxaana kursigaan horay ugu fadhiyey Cabdisaabir Nuur Shire oo ka tirsan xukuumadda Axmed Qoor Qoor ee Galmudug.

Cabdisaabir ayaa kol hore dib loo dhigay doorashada kursigiisa, waxaana muddooyinkii u dambeeyey socday olole xoog leh oo ay wadeen asaga iyo saaxiibadiis, si Qoor Qoor loogu qanciyo kursigaas uu mar kale siiyo Cabdisaabir Shuuriye.

Saabir iyo Fiqi ayaa markii la doortay Qoor Qoor waxay ku biireen golihii uu soo dhisay ee wasiirrada, waxaana loo magacaabay wasiirka dekedaha, halka Axmed Macalin Fiqi oo loo magacaabay wasiirka amniga Galmudug uu iska casilay xilkaas, markii uu Qoor Qoor u cadeeyey in kursigiisa uusan sii doonin, sida ay noo xaqiijiyeen xubno xog ogaal ah.

Musharaxiin u tartameysa kuraasta kala ah, HOP#012, HOP#048, HOP#137 iyo HOP#071, ayaa galabta la diiwaan geliyey oo shahaadooyinka musharaxnimada la guddoonsiiye, kuwaas oo beri la dooranayo.

Doorashada kuraasta deegaan doorashadoodu tahay Dhuusamareeb ayaa lagu wadaa in lasoo gabagabeeyey Jimcaha berri oo ku beegan 25-ka bishaan oo ah maaalintii loo asteeyey in lasoo gabagabeeyo doorashooyinka baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Hadii waqigaas lagu soo gabagabeeyo doorashada kuraasta taalla Dhuusamareeb, Galmudug waxaa u dhimanaa doonta doorashada 11 kursi oo deegaan doorashadoodu tahay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.