Xarakada AL-SHABAAB oo amar cusub dul dhigtay ganacsatada magaalada…

Jowhar (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa ganacsatada magaalada Jowhar ee maamulka HirShabelle ku amartay inay xiraan goobahooda ganacsi ayna tagaan magaalada Aadan Yabaal oo ah xarunta maamulka Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Kadib amarka kasoo baxay kooxda oo qaar kamid ah ganacstada u hogaansatay ee tagay deegaankaas, maamulka HirShabelle ayaa qufulo saaray xarumaha ganacsiga ay lahaayeen ganacsatadaas.

Illaa hadda majiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka HirShabelle oo ku aadan tallaabada ay uga jawaabtay ganacsatada u hogaansatay amarka Al-Shabaab.

Inta badan ganacsatada ayaa dhibaato ka sheegta ka dhex shaqeynta labada dhinac, maadama uu midba dhinaciisa uga hanjabayo, soona saarayaan amaro is-khilaafsan.

Arrintan ayaa kusoo aadaysa xili ay dhawaan warbixin ay soo saartay machadka daraasaadka amniga ee Hiraal Institute lagu soo bandhigay in canshuurta Al-Shabaab ka qaado ganacsatada ay door weyn ka ciyaarto hubka iyo xooganaanta kooxda.

Agaasimaha Hiraal, Samiira Geed oo la hadashay VOA ayaa sheegtay in lacagta ay Al-Shabaab kasoo aruuriso dadka Soomaaliyeed ay sanadka sii kordhaan, maadama kooxdu kordhinayso waxa ay ku sheegto canshuurta.

“Sanadkii lasoo dhaafay waxaan sameynay cilmi baaris maaliyadeed oo aan ku xaqiijinay in ururka Al-Shabaab ay uruuriyaan ku dhawaad 180 Milyan oo dollar sanad kasta, balse waxaan fileynaa in sanadkaan ay intaas kasii badan tahay, ayada oo ururku kordhiyay canshuurta uu qaado,” ayey tiri Samiira Geed.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sanadihii dambe sii xoogeysaneysay, waxayna si lamid ah dowladda canshuur ka qaadata ganacstada, xataa kuwa aan ku sugneyn goobaha ay ka taliso, taasi oo aan illaa hadda wax maaro ah loo helin.