Ururada bulshada rayidka oo ka horyimid qorshaha DF ee shirka 15-ka Febraayo

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ururada bulshada rayidka ah ayaa ka hor yimid qorshaha ay waddo dowladda Soomaaliya ee ah in shirka looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka lagu qabto magaalada Garowe, waxeyna ku baaqeen in la isugu yimaado magaalada Muqdisho.

Ururada Bulshada rayidka ah waxey soo jeediyeen in shirka lagu qabto Muqdisho, loona ogolaado iney xubno ku yeeshaan, sidoo kalana saamileyda siyaasadda qeyb ka noqdaan si shirka u noqdo mid dhameystiran.

Qoraal ay soo saareen ayey ku sheegeen iney tahay in la ilaaliyo xasiloonida nabadda dalka, sidoo kalana qof walba oo qaadan weysa masuuliyadeeda lagula xisaabtamo.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in shir la isugu yimaado shir 15-ka bishaan, madashuna ay noqoneyso caasimadda Puntland, balse maamul goboleedka uu hogaaminayo Saciid Cabdullaahi Deni wey ka biyo diideen.

Puntland wey soo dhaweeyeen shirka la isugu imaanayo, balse waxey ku baaqeen in shirka lagu qabto Muqdisho, sidoo kalana Jubbaland ayaa qorshahaas taageertay, waxeyna isku raaceen in shirka kasoo qeyb galaan xubnaha beesha caalamka si markhaati loogu noqdo cidda hortaagan in xal laga gaaro arrimaha doorashooyinka.