Kenya ma waxay dacwada badda dib ugu dhigeysaa su’aal ay ka qabto sharci ahaanshaha DF Somalia?

Nairobi (Caasimdda Online) – Dowladda Kenya ayaa mar kale jawaab ka bixisay hadalkii wasiirka warfaafinta dowladda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe kaas oo warbaahinta Muqdisho u sheegay hadal uu ku durayo dowladda Kenya.

Cismaan Abuukar Dubbe wuxuu sheegay in Kenya ay ku doodeyso ineysan dowlad sharci ah ka jirin Soomaaliya, sidaas darteedna ay markii saddexaad dib ugu dhigeen kiiska dacwadda badda ee labada dowladood ka dhaxeeya.

“Waxay doonayaan inay buriyaan kiiskeena [iyagoo ku doodaya] Soomaaliya dowlad kama jirto,” ayuu yiri wasiir Dubbe.

Sidoo kale wasiirka wuxuu sheegay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida ay arinkaas lug ku leeyahiin, isagoo arrimahaas ka hadlaya wuxuu yiri:

“[Kenya] oo ka faa’iideysanaysa hadallo aan ka fiirsi lahayn oo siyaasiyiinta qaar ay ugu loogayaan ama ugu gawracayaan qarannimada Soomaaliyeed, ayaa go’aankaas qaadatay”

Iyadoo ay taasi jirto ayey Dowladda Kenya gaashaanka ku dhufatay arrimaha uu ka hadlay wasiir Dubbe oo tilmaamaya iney arrimo la xiriira sharci ahaanshada dowladda Soomaaliya dib ugu dhigeen kiiska badda.

Ilo wareedyo ku dhaw wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Kenya ayaa beeniyay, waxeyna sheegeen ineysan wax dood ah ka qabin sharci ahaanshaha dowladda Soomaaliya.

Kenya waxey sheegeen in arrimo la xiriira COVID19 dartiis ay isugu diyaarin waayeen kiiska badda, isla markaana ay sidoo kale ka cabsanayaan iney dhacdo qatar dhanka amniga ah, waxeyna garsooraha maxkamadda ku wargaliyeen in dib loogu dhigo kiiska.

Dhinaca kale wasiir Cismaan Abuukar Dubbe wuxuu sheegay hadii kiiska oo loo ballansan yahay 15-ka Maarso dib loo dhigo ay sumcad xumo ku noqoneyso maxkamadda cadaaladda adduunka ICJ.