James Swan oo warbixin la xariirta Soomaaliya siiyey ku-xigeenka Abiy Axmed

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa war kasoo saartay wadahadal maanta qadka talefanka ku dhex maray Ra’iisul wasaare ku xigeenka Itoobiya ahna wasiirka arrimaha dibadda dalkaas Demeke Mekonnen iyo wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan.

Labada dhican ayaa si qota dheer uga wadahadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika, iyagoo is dhaafsaday macluumaad iyo aragtiyo ku saabsan xaaladda hadda ka taagan Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraalka.

James Swan ayaa ugu horeyn warbixin ka siiyay Mr. Demeke geedi socodka doorashada Soomaaliya, rajooyinka iyo caqabadaha jira, xaalada siyaasadeed ee hada taagan, khataraha dhanka ammaanka ah, gaar ahaan Al-Shabaab oo ah kooxda ugu dhaqdhaqaaqa badan gobolka.

Sidoo kale labada dhinac oo kala metelaya Itoobiya iyo Qaramada Midoobey, waxay bogaadiyeen dadaallada ay wadaan dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah, si xal looga gaaro khilaafka doorashada.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ah saaxiibka ugu dhow ee madaxweyne Farmaajo oo haatan wajahaya fashil doorasho kii ugu xumaa, waxaana dhamaaday mudo xileedkii xukuumadiisa, iyadoo aan la heyn wax qorshe doorasho ah.

Khilaafkii ugu adkaa ayaa ka taagan qabashada doorashada Soomaaliya, waxuuna hadda xaalku marayaa in Puntland iyo dowladda dhexe ay isku tuur-tuuraan, halka la dhigayo gogosha shirka uu iclaamiyey madaxweynaha waqtiga uu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Puntland, Jubbaland, guddoomiyaha Aqalka Sare iyo golaha midowga musharaxiinta ayaa ku mideysan soo jeedinta ah in shirkaas lagu qabto magaalada Muqdisho, isla markaana la balaariyo oo ay ka soo qeyb galaan dhammaan saamileyda siyaasadda Soomaaliya iyo beesha caalamka, balse dowladda federaalka ayaa weli diidan taas, kuna adkeysatay in 15-ka Febraayo la isugu tago Garowe.