Yaa xaq u leh go’aaminta halka uu ka dhacayo shirka 15-ka Febraayo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir uu ku baaqay madaxweynaha waqtiga uu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inay 15-ka Febraayo isugu yimaadaan isaga iyo madaxda dowlad goboleedyada, ayaa wajahaya caqabad xitaa kahor inta aanu billaabmin.

Shirkaas oo Farmaajo uu iclaamiyey inuu ka dhacayo Garoowe, ayaa waxaa kasoo horjeestay Puntland, Jubalanad, guddoomiyaha Aqalka Sare iyo xubnaha mucaaradka ah, oo dhammaantood doonaya in shirka uu ka dhaco Muqdisho.

Hase yeeshee dowladda federaalka ayaa ku gacan seertay baaqyadooda, waxaana wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe uu ku adkeystay in shirka uu ka dhacayo Garoowe. Ma cadda haddii Farmaajo uu Garoowe ku qaban karo shir uusan raali ka aheyn Saciid Dani, balse taas ka hor su’aal taagan ayaa ah, yaa xaq u leh asteynta madasha shirka lagu qabanayo?

Dr. Cabdiwahab Sheekh Cabdisamad oo ka faallooda arimaha Bariga Afrika ayaa qaba in Farmaajo uu xaq u leeyahay inuu shirka ku qabto meesha uu doono.

“Madaxweynaha jamhuuriyadda meel kasta ayuu shirka u qaban karaa, mana diidi karo Deni. Madaxweynaha Garowe shir kuma qaban karo Deni ayay ceeb ku tahay,” ayuu yiri Dr. Cabdiwahab.

Arrinta ah in saamileyda siyaasadda ay ka qeybgasho kulankaas ayaa khabiirkan waxa uu sheegay in mucaaradka aanay qeyb ka ahayn heshiiskii 17-kii September la gaaray ee gundhigga u ah shirka la shaaciyay.

Dhanka kale, Cabdiraxmaan Cabdishakur oo kamid ah ragga doonaya inay u tartamaan xilka madaxtinnimada Soomaaliya ayaa bartiisa Facebook ku sheegay in shirka uu “Madaxweynihii hore Farmaajo soo tuuray, koox ka mid ah beesha caalamkana la wadaan uu ku doonayo inuu isaga horkeeno Galmudug iyo Puntland, isla markaana uu ku tusiyo in uu weli madaxweyne yahay.”

Dr. Cabdiraxmaan Cabdullahi Baadiyow oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaalida ayaa rumaysan in arrinta madasha shirka laga heshiin karo, balse ay muhiim tahay inuu qabsoomo oo heshiis lagu gaaro.

“Shirka 15-ka Febraayo lagu dhawaaqay waxey soo celineysaa rajada shacabka. Meesha lagu qabanayo iyo ka qaybgalayaasha waa arimo farsamo [oo] laga heshiin karo. Waxaa muhiim ah in Soomaalidu shirto, kuna heshiiyaan qaab iyo waqti doorasho. Haddii kale, waa loo meerinayaa,” ayuu yiri Dr Baadiyow.

Mudada xilheynta madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo afar sano ahayd ayaa ku ekeyd 8-dii bishan February. Mucaaradku waxay sheegeen in aysan madaxweynaha aqoonsaneyn. Dowladdu se waxay sheegtay in madaxweynuhu xilka heyn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub. Ma jiro waqti la ogyahay oo ay doorashadu dhici doonto.

Wasiirka warfaafinta Dubbe oo xalay la hadlay BBC-da waxuu mar kale ku celiyey in shirka uu iclaamiyey maadxweyne Farmaajo uu ka dhacayo Garowe, balse shirkii Golaha Wasiirada Puntland ee maanta ayuu maamulku mar kale ku go’aamiyey in shirkaas lagu qaabto magaalada Muqdisho.

Xukuumadda Puntland ayaa ku doodeysa in shirkaas laga qeyb-geliyo dhammaan saamileyda siyaasada dalka iyo beesha caalamka, waxaana go’aankaas ku raacsan Jubbaland, guddoomiyaha Aqalka Sare iyo midowga musharaxiinta, sida ay ku shaaciyey qoraallo ay soo saareen.

Maamul goboleedyada taabacsan dowlada federaalka ee K/Galbeed, HirShabeelle iyo Galmudug ayaa weli ka amaamusan isku tuur-tuurka shirkan uu iclaamiyey madaxweynaha waqtiga uu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.