Hey’ada Rural aid and development Organisation (Rado ) oo saldhigeedu yahay Wadanka Holland ayaa Abaalmarino kala duwan Gudoonsiisay Fanaaniin iyo Wariyaal,iyadoo Hayadu u garatay in Dadkaas ay yihiin dad wax u qabtay Bulshada islamarkaana ay mudanyihiin in la dhiirigaliyo.
Axmed Cabdi Guhaad oo ah Madaxa Hay’adaas ayaa shahaadooyinkaas abaalmarintaa Gudoonsiiyay Shaqsiyaadka iyo Ururada ay u garteen in ay mudanyihiin in la abaalmariyo,waxaana abaalmarintaas la siiyay Kooxada waayahay Cusub oo u gudoomay Digriyow sidoo kale waxaa la siiyay Ilkacase oo isna ah Fanaan qaada Heesha Raabka ah oo degan wadan Maraykanka,halka isla boqorka Dhaantada la siiyay Cali Dhaanto oo ka yimid Deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya
Dhinaca warbaahinta waxaa abaalmarin la siiyay ururka Center For Media And Dialogue,waxaana abaalmarintaas u gudoomay Madaxa Hay’adaas Bile Gurxan Axmed,iyadoo sidoo kale wariyaasha abaalmarintaas gudoomay ay ku jiraan Agaasimaha TV Qaranka Soomaaliyeed SNTV ee Wadamada Benelux C/laahi Maxamed Xusseen Taajirow iyo Raage Cali dheere oo noqday Camerman iyo promotion-ka ugu fiican Wadanka Holland.
Gudoomiye Axmed Abdi Guhaad oo Xaflada Abaalmarinta lagu bixinayay ka hadlay ayaa sheegay in Hay’adiisu ay qabato waxabadan oo la xariira arimaha Bulashada, iyo waliba gargaarka dadka,isagoo xusay in shaqsiyaadkaan ay u garteen inay yihiin dad Bulshada wax u qabtay islamrkaan loo bahanyahay in cidkasta oo wax qabta la abaalmariyo si loo dhiiri galiyo.
Waxaa isna Halkgaas ka hadlay Bile Gurxan Axmed oo ah Gudoomiyaha Center For Media And Dialogue oo sheegay in ay ku faraxsanyiihin inay helaan abaalmarintaan,waxuuna xusay in ay taas ka turjumayso sida ay wariyayaashu u noqdeen kuwa wax tara bulshada.
Waxaan dareensanahay in wadankaan Holland ay yimaadeen wariyayaal badan oo ka soo qaxay wadankii Gaar ahaan Caasimada Mogadishu,wariyayaashaasi, waxbadan ayay ku soo kordhiyeen Bulshada Holland,waxaana ka mida dadka Holland codkooda waa qorsoonaa mana soo bixi jirin,waxay abuureen wariyayaashaas in ay dooda qabtaan,ururada wadankaan ka jiray oo fadhiida ahaa ay dhiirigaliyaan,ay ka shaqeeyaan is dhexgalka bulshada,
“waxaan Tusaale u soo qaadan karaa wadankaan markii aan dhimid xafladaha iyo barnaamijyada ka dhaca waa yaraayeen,hada Magaaladaan Rotterdam waxay noqotay Magaalada ugu shidan Yurup,waayo Fanaaniin dadka caanka Bulshada ka ah kuli halkaan ayey yimaadaan,manta cidkasta barnaamij samaysanaysa Rotterdam ayay rabtaa in wax loogu qabto dadaalkaas maahan kaliya wariyayaasha,laakin waxaa kaloo arinkaas qeyb weyn ka qaatay dhalinyarada Rotterdam,waliba Mohamed Wali (moha Dheere) AJ iyo dhalinyaro kale oo ka mid yihiin Saciid Xandule iyo Abdi Nuur”ayuu yiri Gudoomiye Bile Gurxan
“waxaan raali galin buuxda Sinayaa cidkasta oo magaca saxaafada wax loogu dhibay inay raali ka ahaato,waayo anagu malaa’ig ma nihin,waa jiraan wariyaal dad Soomaali ah aflagaadeeyay,kuwaasna waxaan kula talinayaa hadiiba ay yihiin wariyayaaal xirfad leh inay qalinkooda ka ilaaliyaan bulshada “ayuu yiri Bile Gurxan
Waxaa iyagana halkaas ka hadlay Digriyow,Cali dhaanto iyo Ilkacase oo iyaguna aad ugu Mahad celiyay Had’ada RADO iyo Center for Media and Dialogue


