Video: Arrin uu soo jeediyey xildhibaan ka hadlay kulankii taageerayaasha Farmaajo oo buuq dhalisay

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo xildhibaanada taageersan madaxweynaha Soomaaliya ay kulan ku yeesheen Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho ayaa qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka waxay buuq ka kiciyeen kulankaasi.

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar oo kamid ah xildhibaanada diidan mooshinka ayaa soo jeediyay in guddoomiyaha baarlamaanka  iyo labadiisa ku xigeen ls iska tuuro haddii ay heshiin waayaan, maadaama sida uu sheegay ay qeyb ka yihiin khilaafka taagan.

Xildhibaanka ayaa sheegay in khilaafka ka dhasha baarlamaanka uusan dhamaaneyn ilaa inta ay heshiis aheyn guddoonka baarlamaanka ay xilka sii hayaan, wuxuuna soo jeediyay in la iska tuuro seddexdooda.

“Dowladdan Labo sano ayaa u dhiman, annaga labo sano ayaa inoo dhiman, Inaan Mooshin La’aan ku dhameysano ma igu raacsan tihiin “HAA”, Guddoomiyaheena haku soo laabto halkuu ka guurey, Khilaafka wuu batay guddoomiyaha iyo kuxigeenada haddii ay heshiin waayaan seddexdooda aan isla tuurno, Runta ma rabtaan, Mursal, Muudey, iyo Mahad, saddexdooda isku mid ayay noo yihiin”.

“Buux iyo xitaa aan ku darno, haddii ay soo heshiin waayaan oo maalinta Isniinta ay noo furi waayaan baarlamaanka, aniga waxaan soo jeedinayaa inaan seddexdooda ridno oo guddoon cusub aan doorano, ninka noogu da’ weyna u dhiibano xilka”ayuu yiri Xildhibaan Dhaqtar.

Kadib xildhibaanada kale ayaa bilaabay inay ku buuqaan ama ku oriyaan, waxaana meesha ka dhashay is fahamwaa sababay inuu iska wareejiyo cod baahiyaha uu ku hadlayay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com