Video: Bog facebook ah oo ku xiriirsanaa bogga guddiga doorashooyinka oo Xasan Sheekh lagu aflagaadeeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Bog facebook ah oo ku xiriirsanaa bogga rasmiga ah ee guddiga doorashooyinka qaranka ee lagu muransan yahay ayaa lagu aflgaadeeyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, sida aan ku muujin karno muuqaalka hoose.

Bogga rasmiga ah ee guddiga doorashada waa www.doorashada2021.so, waxaa ku jira dhammaan macluumaadka ku saabsan xubnaha guddiga, shaqadiisa iyo ujeeddooyinka guddiga. Sidaas kale waxa ku jira wareegtadii lagu magacaabay guddiga, taas oo kasoo baxday xafiiska Ra’iisal Wasaaraha November 2020.

Marka aad booqato ama soo gasho boggan oo wata domain-ka .so ee rasmiga ah oo guddigu ku faafiyo howl-maalmeedkiisa waxa aad arki kartaa dhammaan sawirrada xubnaha guddiga loogu tala-galay in ay maamulaan doorashooyinka madaxtooyada iyo baarlamanka ee sanadka 2021.

Qeybta hoose ee boggan ayaa waxaa ku jiray xiriirka bog facebook oo isla guddiga ah, oo marka aad click siiso, si toos ah kuu geynayey, waana halkaas meesha lagu soo qoray qoraal lagu aflagaadeeyey madaxweyne Xasan Sheekh.

Qoraalka lasoo dhigay bogga facebook ayaa waxaa qoray nin lagu magacaabo Farxan Gurxan oo aan la aqoon waxa uu yahay.

Bogga facebook ah ee aflagaadada sameeyey ayaa waxaa markii dambe laga furay bogga www.doorashada2021.so kadib markii arrintan ay qabsatay baraha bulshada, hase yeeshee waxaan kahor ka duubnay muuqaalka hoose, si aan caddeyn ahaan ugu hayno.

Guddiga ayaa kadib qoraal ay soo dhigeen bog kale oo ay ku leeyihiin facebook ku sheegay in boggaas aflagaadada lagu sameeyey uusan aheyn midkooda oo uu yahay been abuur, hase yeeshee waxaa su’aal ah maxaa markiii hore ku xiray bogga rasmiga ah ee www.doorashada2021.so. 

Arrintan ayaa dhaawac weyn gaarsiineysa sumcadda guddiga, waxayna su’aalo weyn gelineysaa sheegashada dhex-dhexaadnimada ee guddiga.

Hoos ka daawo muuqaalka caddeynta.