Xog: Rooble oo ka hor-yimid kala diristii Rugta Ganacsiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa muujiyey inuusan raali ka aheyn kala dirista Rugta Ganacsiga Soomaaliya oo horey wasiirka ganacsiga uu sheegay inuu kala diray.

Rooble oo xalay xafiiskiisa kulan kula yeeshay warbaahinta madaxa bannaan, iyadoo agaasimayaasha warbaahinta ay su’aalo ka weydiiyeen xaaladda dalka, ayaa xubnihii halkaas joogay u sheegay in guddigaas aan la kala dirin, islamarkaana ay saxayaan qaladaadkii dhacay.

“Rugta ganacsiga lama kala dirin waana saxeyna warqaddi kasoo baxday wasiirka,” ayuu yiri Ra’iisul Rooble u sheegay weriyayaasha mar su’aalo laga weydiiyay tallaabadii laga qaaday guddiga.

Agaasimayasha qaar ayaa sidoo kale weydiyey Ra’iisal Wasaaraha arrimo kale oo ay ka mid yihiin doorashada dalka ka dhaceysa iyo doorka saxaafadda, iyo arrimaha mucaaradka saluugsan xaaladaha doorashooyinka.

Hadalka Ra’isal waaaraaha ayaa imanaya iyadoo dhawaan wasirkiisa Gabacsiga uu sheegay inuu kala diray Rugta Ganacsiga balse dadaalo socday ayaa la rumeysan yahay in la doonayo in arrrintaas looga laabto.

Dhinaca kale Madaxweyne Farmaaja iyo Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa kulamo la lahaa toddobaadyadii lasoo dhaafay hoggaanka sare ee Rugta Ganacsiga, si loo xalliyo tabashooyin la xiriira arrintaasi.

Rugta Gabacsiga ayaa muddo xiriir dhaw la laheyd dawladda, waxayna ay ka wada shaqeeyeen arrimaha canshuuraha deyn cafinta iyo kobaca dhaqaale ee dalka oo iminka maraya meel wanaagsan.