Madaxweyne Guudlaawe oo la kulmay xubno ka tirsan dowladda iyo mucaaraadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Hir-shabeelle, Cali Cabdulahi Xuseen Guudlaawe ayaa maanta kulan la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya Iyo Musharaxiinta mucaaridka.

Cali Guudlaawe oo weli ku sugan magaalada Muqdisho ayaa kulamadaas la qaatay Wasiirka Amniga gudaha, Xasan Xundubeey Jimcaale, Xildhibaan Cabduqaadir Carabow oo ka tirsan Golaha Shacabka.

Sidoo kale waxaa kulankan qeyb ka ahaa Cali Maxamed Geed, oo ka mid ah mucaaradka islamarkaana ah Musharax madaxweyne, sidoo kalena hore usoo noqday ra’iisal wasaaraha dalka.

Kulankan ayaa waxa looga wada-hadlay xaalada guud ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka oo muddooyinkii dambe ay xiisad xoogan ka taagneyd hanaanka doorashada oo lagu tilmaamay mid hal dhinac ah.

Waxa kale oo diirada lagu saaray arrimaha ka taagan deegaanada HirShabeelle, gaar ahaan xiisada ka dhalatay doorashadii uu kusoo baxay madaxweynaha maamulkaas, Cali Guudlaawe.

Kulankan ayaa imanaya xili uu dhawaan madaxweynaha cusub ee maamulka HirShabeelle uu qeyb ka noqday qorshe ay dowladda federaalka ku rabto doorasho aan loo dhameyn, midaas oo si rasmi ah ugu dhawaaqay ra’iisal wasaaraha dalka.

Xiisada ka taagan hanaanka doorashada dalka ayaa kasii dartay kadib markii dowladda federaalka oo taageero ka helaysa maamulada Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed ay ku dhawaaqday qabashada doorashada, midaas oo uu muran xoogan ka taagan yahay.