Mandhera oo qarka u saaran inay hoos tagto Al-Shabaab

Mandheera (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Gobolka Mandheera Cali Roba ayaa sheegay in Magaalada Mandheera ee dalka Kenya ay qarka u saaran tahay inay gacanta u gasho kooxda Al-Shabaab.

Guddoomiyaha oo wareysi siiyey Wargeyska The Standard ee ka soo ka soo baxa Nairobi ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay gacanta ku dhigtay maamul ahaan 50% waqooyi bari ee Kenya isagoo xusay inay qabsadeyn goobo istiraatiiji ah oo ka tirsan Gobolkaas.

Guddoomiyaha ayaa ku baaqay in wax laga badalo qaabka loola dhaqmayo Al-Shabaab iyo dagaalka lagu jiro haddii kale ay taas keeni karto qatar weyn oo ka imaato kooxdaan awooda badan kusii yeelaneyso gudaha Kenya.

“Waxaa loobaahanyahay in wax laga badalo qaabka aan ula dhaqmeyno xaaladan, hadii kale, dhawaan waxaan hoos imaan doonaa xukunka argagixisada. Horeba, Al Shabaab waxa ay ku maamushaa in ka badan 60% Mandheera”

Isagoo sii hadlayo ayuu yiri “Walaalaha reer Kenya, waxaa laygu qasbay inaan si cad uga hadlo xaalada nabadgelyo xumo ee kajirta Woqooyi Bari Kenya, iyo gaar ahaan Degmada Mandheera” ayuu xusay Robo.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in kooxda ay Al-Shabaab ay gudaha magaalada Mandheera ka sameyso dhaq dhaqaaqyo ciidan oo aan cabsi laheyn, wuxuuna xusay in ay hadda gaartay heer aan horey loo arag oo xad dhaaf.

“Dhibaato daran oo xagga amniga ah ayaa ka dhex jirta gudaha Gobolka Mandheera, taas oo ay sababtay dhaq dhaqaaq aan cabsida lahayn oo ay ku hayaan argagixisada gudaha gobolka. Xaaladdaani way ka sii xumaaneysay saddexdii bilood ee la soo dhaafay laakiin hadda waxay gaartay heerar aan horay loo arag”  ayuu yiri.

Cali Roba ayaa tilmaamay in kooxda Al-Shabaab ay lacago ay ugu magac dareyn Zakkat ka qaadaan dadka xoolo dhaqatada ah ee ku nool Magaalada Mandheera iyo deegaanada u dhow dhow.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha ayaa xusay in Al-Shabaab weerareen saldhigyo Boolis iyo xurumaha shirkadaha Isgaarsiinta gobolka Waqooyi Bari, haddana ay qarka u saaran yihiin inay xirmaan  dhamaan goobaha waxbarashada gobolka maadaama macalimiintii ay gobolka uga carareen amaan daro.