Musharaxiinta oo beesha caalamka u gudbiyey hab cusub oo loo qaban karo doorashada Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Musharaxiinta madaxweynaha ayaa soo qoraal u diray beesha caalamka, kaasi oo turjumaya xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyo sida xal loogu heli karo is-mari waaga baahsan ee ka jira doorashada Soomaaliya.

Midowga waxey warqadan ay beesha caalamka u direen ku faah-faahiyeen qaabka ugu wanaagsan ee doorashada loo qaban karo, waxaana ugu horreysa in doorashada lagu qabto kaliya hal magaalo si looga gudbo is qabqabsiga ka taagan qabashada Doorashada Soomaaliya ee 2021.

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu xusay in loo baahan yahay guddi doorasho oo dhammaan dhinacyada ay quseyso ay ku qanacsan yihiin iyadoo lagu sheegay qoraalka in goluhu uu diyaariyay xubnaha guddiga farsamo ee laga saarayo guddiga.

Sidoo kale Midowga Musharixiinta ayaa Beesha Caalamka ka qalbaday in gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi loo daayo liiska xubnaha gobollada waqooyi, islamarkaana ay kulmaan guddoomiyaha iyo oday dhaqameedyada kasoo jeeda Somaliland ayna soo xulaan guddiga farsamada ee doorashada xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland, laguna qabto doorashada labada gole ee xildhibaanada Somaliland Xalane iyadoo ammaankana ay sugayaan ciidamada AMISOM..

Waxey intaas raaciyeen iney hayaan liiska xubnaha ay doonayaan in laga saaro guddiga lagu muransan yahay oo ay dowladdu soo saartay, waxeyna arrimahaan imaanayaan xilli ay dowladda ku dhawaaqday in doorashada la guda gali doono iyadoo ay jiraan tabashooyin badan oo doorashada ku gadaaman.

Ugu dambeynta Midowga Musharixiinta ayaa ku baaqay in si looga hortago in doorashada waqtigeeda ay dib uga dhacdo la qabto kulan ay isugu yimaadan Dowladda Dhexe, madaxda Maamul Goboleedyada iyo saamileyda siyaasadda dalka.

HALKAAN HOOSE KA AKHRISO