Video: Farmaajo oo lasoo gaarsiiyey farriin uga timid Afwerki iyo xogta safarkii Somalialnd (Daawo)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Eritrea Mudane Cusmaan Saalix iyo Lataliyaha Madaxweynaha dalkaas Mudane Yemane Gebreab.

Wafdiga ayaa Madaxweyne Farmaajo soo gaarsiiyay farriin iyo salaan ay uga sideen dhiggiisa dalka Eritrea Mudane Isaias Afwerki, iyaga oo sidoo kale warbixin ku saabsan booqashadoodii ay ku tageen Somaliland la wadaagay Madaxweynaha.

Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo wafdiga reer Eritrea ayaa waxa lagu lafo-guray arrimaha gobolka, dardargelinta l isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika iyo sidii ay labada dal isaga kaashan lahaayeen dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

“Safarka wafdiga Eritrea ee magaalada Muqdisho waxa uu dabo socdaa booqashooyin ay hore ugu yimaaddeen Soomaaliya oo looga gol leeyahay xoojinta xiriirka labada dal iyo sare u qaadidda wadashaqaynta labada dowladood.” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo u baahiyay xafiika madaxweynaha.

Madaxweynaha waxaa kulankan ku wehliyay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad iyo Danjire Cali Saciid Faqi.

Bishii la soo dhaafay ayay aheyd markii Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea iyo La Taliyaha Madaxweynaha Eritrea ay booqasho labo cisho ku tageen magaalada Hargeysa ee Somaliland, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay.