Video: Qarax babauur oo xarunta degmada Warta Nabadda lagu weeraray

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax is-miidaamin ah oo lagu qaaday xarunta Degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.

Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo qof is-miidaamiye ah waday ayaa lala beegsaday Xarunta Degmada Warta Nabadda, iyadoo qaraxaasi uu dhaliyey qasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararka aaya sheegaya in xilliga uu qaraxa ka dhacay xarunta degmada halkaasi ay ku sugnaayeen dad shacab ah oo loo qeybinayey raashin, iyadoo laga cabsi qabo in qasaare badan uu ka dhashay qaraxa oo ahaa mid xoog leh oo ruxay degaanada u dhow xarunta degmada.

Baabuurka Qaraxa laga soo buuxiyey ayaa ahaa nooca raaxada u yaqaan waxaana la sheegayaa inuu waday qof naftii halige ah.

Ciidamada amniga ayaa xiray xarunta degmada Wardhiigley ee Qarax lagu weerarray, waxaana socda gurmadka dadka ku waxyeeloobay weerarka, iyadoo gaadiidka gurmadka ay daabulayaan dhaawacyo.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegayo in dhimashada inta la xaqiijiyey ay tahay 5 qof halka dhaawaca uu marayo illaa 9 qof, waxaana laga yaabaa inuu khasaaraha intaas ka bato maadaama xarunta ay ku sugnaayeen dad badan oo Raashin loo qeybinayey.

Xoghayaha degmada Wardhiigley Cali Aadan Warsame ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay qaraxa.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa xarunta degmada Wardhiigley ka socday raashin qeybin dadka masaakiinta ah, inkastoo maanta xilliga qaraxa uu dhacayay aysan goobta ka socon wax raashin qeybin ah.

Xarunta Degmada Wardhiigley ayaa ku dhow Aqalka Madaxtooyada, waxaa bishii hore xaruntaas booqday Madaxweyne Farmaajo oo kula hadlayay shacabka deegaanka, iyadoo la xusuusto inuu xilligaas inuu hanjabaad u jeediyay dadka rabshadaha wada.

Qaraxaan ayaa kusoo aadayo iyadoo Isgoysyada iyo wadooynka Magaalada Muqdisho ay xiran yihiin, laguna baaro Gaadiidka.