29.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Daawo Video + Xog cusub: Yaa ku dhegan Xasan Daahir Aweys?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (caasimada Online) – Xasan Daahir Aweys oo kamid ahaa masuuliyiinta Xisbul Islaam ugu sareysay ayaa ku xiran xabsi ku yaala magaalada Muqdisho tan iyo markii uu isku soo dhiibay dowlada federaalka Soomaaliya.

Xasan Daahir Aweys ayaa marar badan magangalyo siyaasadeed ka helay dowlado badan oo carabta ah waxaana ugu horeeya Qatar iyo Sacuudiga kuwaasi oo sheegy iney siinayaan soo dhaweyn siyaasadeed maadaama uu ka laabtay fikirkiisii hore.

Xoghayihii hore ee Ururka Xisbul Islaam Sheikh Maxamed Macalin oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Xasan Daahir uu helay magangalyo siyaasadeed oo kaga timid Qatar iyo Sacuudiga balse dowlada Xasan Sheikh ay diiday qorshahaasi.

Wuxuu sheegay in Xasan Daahir uu ku xiran mid kamid ah xabsiyada Muqdisho, laakiin uu heley balanqaadyadaasi oo dowlada Soomaaliya ay ka hortimid.

- Advertisement -

Read more

Local News