Villa Somalia oo fashilisay qorshe uu Rooble Xamar ku keeni lahaa Bankiga Masar

Muqdisho (Caasimada Online) – Villa Somalia ayaa fashilisay qorshe uu Ra’iisul Wasaare Rooble ku doonayay in Muqdisho looga furo Bangkiga Masar Dubai (Banque Misr), sida ay ogaatay Caasimada Online.

Furitaanka bankigan cusub ayaa ujeedkiisu ahaa in meesha looga saaro SWIFT-ga Turkiga ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya uu isticmaalo, laguna beddelo mid Imaaraati ah. 

SWIFT waa nidaamka caalamiga ah ee isku xira Bankiyada caalamka, islamarkaana fududeeya inay lacagaha hab electronic ah isugu gudbiyaan.  

Heshiiska Bangkiga Masar Dubai (Banque Misr) looga furayo Muqdisho ayaa waxaa daba-yaaqadii Febraayo saxiixday guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya iyo wakiilada Bankiga Reer Masar. 

Bangkiga Masar Dubai oo Muqdisho laga hirgeliyo waxa uu fududeyn lahaa in lacagaha ka imanaya Imaaraadka Carabta, gaar ahaan kuwa loogu talo-galay ololaha doorashada lasoo mariyo, maadaama Bankiga Dhexe uu maamulkiisa gacanta ugu jiro madaxweyne Farmaajo. 

Si kastaba, waxaa aakhirkii diiday ku-xigeenka guddoomiyaha bankiga iyo shan qof oo guddi ka ah bankiga, taasi oo meel cidlo ah kusoo riday guddoomiyaha, waxaana arrintan ay ku timid oloel ay gashay Villa Somalia si looga hortago qorshaha Rooble. 

Villa Somalia ayaa qorshahan u aragtay qatar dhaqaale oo shaki galin karta doorashada iyo rajada uu ka leeyahay Farmaajo in dib loo doorto. 

Guddoomiyaha Bangiga Dhexe oo tagay Djibouti, Masar iyo Imaaraadka ayaa aakhirkii diidmo kala kulmay Farmaajo oo u sheegey in ay caqli xumo tahay in xilligan bankigaas laga furo Muqdisho oo lacagaha lagu mucaaradayo ay soo maraan. 

Rooble iyo saaxiibadiis oo sidoo kale cadaadis xoogan kala kulmayay bankiyada gudaha oo arrintan diidan iyo Turkida ayaa aakhirki u muuqdey kuwa looga adkaadey isku daygooda oo malaayiin doolar oo macaash ah bil kasta ay ku faa’iidi lahaayeen.