VILLA SOMALIA oo go’aan ka soo saartay xiriir dhex mara Somalia iyo Israel

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashay suurta-galnimada xiriir dhex-mara Soomaaliya iyo Israel, kadib shaqo ka eryid lagu sameeyay agaasimihii xafiiska Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, kaas oo lagu magacaabo Cabdullahi Axmed Dool.

Shaqo ka eryidda Cabdullahi ayaa ka dhalatay markii qoraal uu ku qoray bartiisa Twitter-ka uu ku taliyay in xiriir diblomaasiyadeed ay yeeshaan Soomaaliya iyo Israel.

Cabdullahi oo barta Twitter-ka kala kulmay eedeyn badan ayaa sheegay in Falastiiniyiinta ay iyaga cadow isku yihiin,waxaana uu tusaale u soo qaatay go’doonka GAZA ee ay Xamaas Maamusho.

Intaas kaddib ayey soo baxday in Cabdullahi Axmed Dool  laga eryay shaqadii agaasimaha xafiiska Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Agaasimaha Xiriirka ee Madaxtooyada Soomaaliya Cabdi Nuur Axmed Maxamed ayaa isaguna bartiisa Twitter-ka ku sheegay in qof Soomaali ah oo ku talinaya in xiriir lala yeesho Israel uusan u shaqeyn Karin Dowladda Soomaaliya.

Cabdinuur ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Israel aysan marnaba xiriir yeelan karin inta Israel ay haysato dhul muslimiin iyo inta ay xasuuqeyso shacabka Falastiin